Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Barcelona Oo Barbarro Niyad-jab Ah La Kulantay, Rikoodhka
Barcelona ayaa barbarro niyad-jab ah lasoo kulantay ciyaar ay marti u ahayd naadiga yar ee Deportivo Alves oo ay kusoo kala baxeen 1-1.Kooxda tababare Ronald Koeman ayaa kulankii afraad oo xidhiidh ah ee horyaalka LaLiga ka tirsan aan wax guul ah soo helin, waxaana loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa muddo afar sannadood ah.Ciyaartan oo ay shaqo weyn qabteen difaaca iyo goolhayaha Alves ayay Barcelona iska khasaarisay fursado badan, waxaana lagu ciqaabay gool uu qaladkiisa koowaad lahaa Gerard Pique oo kubbad uu u…
Waa Ayo Cidda Uu Eden Hazard U Hibeeyey Goolka Uu Real
Eden Hazard ayaa goolkiisii ugu horreeyey dhaliyey muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaana uu qaybtiisa qaatay ciyaartii ay Los Blancos 4-1 ku garaacday Hesca.Xiddiga reer Belgium ayaa goolka koowaad u dhaliyey Real Madrid qaybtii hore, waxaanu noqday goolkii ugu horreeyey ee uu saxeexay muddo 392 maalmood ah oo aanu shabaqa soo taaban.Laacibkan ayay ugu dambaysay inuu gool dhaliyo xili ciyaareedkii hore bilowgiisii, kulan ay Real Madrid la ciyaartay Granada.Kaddib goolkan ayuu warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay inuu aad…
Xiddigii Garoonka Ee Lama Filaanka Ahaa, Laacibiintii
Liverpool oo difaacanaysa horyaalka Premier League oo ay sannadkii hore ku guuleysatay ayaa hoggaanka ku qabatay guul ay ka gaadheen West Ham United oo gool kala hor martay.Ciyaartan oo adkayd ayaa goolhaye Alisson uu arkay kubbad uu kusoo toogtay Pablo Fornals daqiiqaddii 10aad, taas oo u gudubtay shabaqiisa, balse Joe Gomez ayaa qaladka iska lahaa oo madax aan awood badan lahayn goolkiisa kaga saaray kubadda oo Fonts lugta u geliyey.Mohamed Salah ayaa rikoodhe goolasha ugu furay kooxdiisa, isla markaana goolka barbarraha u…
Liverpool Oo Hoggaanka Horyaalka Premier League La
Liverpool ayaa hoggaanka horyaalka Premier League ula wareegtay si ku meelgaadh ah kaddib markii ay 2-1 ku garaacday West Ham United oo ay ku soo dhoweysay garoonka Anfield.West Ham ayaa gool kaga naxsatay Liverpool bilowgii ciyaarta kaddib laag awood badan oo bannaanka xerada ganaaxa uu kaga toogtay goolhaye Alisson, waxaase ka daba yimid oo rikoodhe ugu barbarreeyey Liverpool laacibka reer Masar ee Mohamed Salah.Diogo Jota oo beddel kusoo galay ayaa Liverpool u dhaliyey gool daqiiqado kooban markii uu garoonka ku jiray…
Shaxda Rasmiga ah ee Kulanka Barcelona vs Alaves – Xiddigaha
Tababare Ronald Koeman ayaa laba guul-darro kaddib waxay kooxdiisu marti u tahay Alves oo ay ka doonayaan inay u noqoto ciyaartii ay ugu soo laaban lahaayeen jidka guusha ee horyaalka LaLiga, waxaanu lasoo shir-tagay shax adag oo qaab weerar ku ciyaaraysa.Barcelona ayaa garoonka kusoo gelaysa qaab 4-2-3-1 ah oo uu afka hore hoggaaminaya Antoine Griezmann, waxaana dhabarka ka taageeraya Lionel Messi, Ansu Fati iyo Ousame Dembele oo mar kale kusoo bilowday.Philippe Coutinho oo dhaawac ah ayaa waxa booskiisa ka ciyaaraya…
Sedex Arin Oo Aan Ka Baranay Kulamadii Chelsea Iyo
Om
Press
Upphovsrätt
Kontakta oss
Kreatörer
Annonsera
Utvecklare
Villkor
Sekretess
Policy och säkerhet
Så fungerar YouTube
Testa nya funktioner
© 2020 Google LLC…
Hakim Ziyech Oo Ka Hadlay Wacdarihii Uu Dhigay, Goolashiisa
Hakim Ziyech ayaa dareemaya in Chelsea ay tahay ‘gurigiisii oo kale’, kaddib markii uu goolkiisii ugu horreeyey ee Premier League ah u dhaliyey kulankii ay 3-0 ku garaaceen Burnley.Ziyech ayaa ciyaartii ugu horreysay ee Premier League ah ugu soo bilowday Chelsea, waxaana uu shabaqa soo taabtay qaybtii hore, iyadoo uu ku daray caawin uu dhamaadkiina sameeyey oo uu kubadda goolka u hor-dhigay Timo Werner.Xiddiga reer Morocco ayaa ciyaarta kaddib waxa uu ka hadlay dareenkiisa, waxaanu yidhi: “Toddobaad wanaagsan ayay ii ahayd,…
Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Nat Phillips, Muxuu se Jurgen Klopp
Jurgen Klopp ayaa kalsooni siiyey Nathaniel Phillips kulanka West Ham United, waxaana uu ku sababeeyey in khibrad iyo xirfad ay lagama maarmaan u yihiin in lagu soo kordhiyo khadka dhexe maadaama ay koox adag la ciyaarayaan, taas darteedna uu Nathaniel Phillips u doortay inuu ka garab ciyaaro Gomez.Liverpool oo ay ka dhaawacan yihiin difaacyada dhexe ee Virgil van Dijk, Fabinho iyo Joel Matip ayaa waxa booskooda la filayay inuu kusoo bilaabi doono da’yarka Rhys Williams, balse waxa uu ka doortay Phillips.Lacibkan ayaa…
Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Burnley & Chelsea – Xiddigii
Chelsea ayaa kulankii afraad oo xidhiidh ah shabaqeeda ilaashatay, waxaanay ku darsatay guul 3-0 ah oo ay ka gaadhay Burnley oo ay marti ugu ahayd Turf Moor.Hakim Ziyech ayaa goolkiisii ugu horreeyey ee Premier League dhaliyey kulankii ugu horreeyey ee horyaalka uu kusoo bilowdo, waxaana laba kale ku daray Kurt Zouma oo kubbad koorne ahayd oo uu soo laagay Mason Mount madaxa ku qabtay iyo Timo Werner oo goolka saddexaad kusoo afjaray goolasha kooxdiisa.Frank Lampard ayay u ahayd habeen wanaagsan oo qaab ciyaareed fiican ay…
Chelsea Oo Xasuuqday Burnley, Hakim Ziyech & Timo Werner Oo
Chelsea ayaa xasuuqday Burnley oo ay ku garaaceen 3-0 xilli xiddigaha cusub ee ay Blues ay jaanta isla heleen iyadoo Hakim Ziyech uu kulankii labaad oo isku xigta guul ku hogaaminayo Blues.Ziyech oo goolkiisii ugu horeysay ee Chelsea dhaliyay kulankii Champions League ayaa kulankii maanta isku darsaday gool iyo caawin halka Zouma iyo Timo Werner ay iyaguna shabaqa soo taabteen.Blues ayaa u muuqata mid ugu danbeyn jaanta isla heshay iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed dhameystiran oo loo riyaaqay.Tababare Frank Lampard ayaa…