Barcelona Oo Xasuuqday Villarreal Iyo Ronaldo Koeman Oo Guul

Barcelona ayaa kooxda Villarreal xasuuq xun ugu bilawday horyaalka La Liga iyada oo Ronald Koeman uu waayihiisa tababaranimo ee Barca uu si layaableh ku bilawday. Ansu Fati ayaa laba gool oo deg deg ah Barca u dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin Fati ayaa markale sabab u noqday in Villarreal rekoodhe lagu dhigay isla qaybtii hore ee ciyaarta waxaana rekoodhahan gool u badalay Lionel Messi.

Goolka afraad ee Barcelona oo dhamaadkii qaybtii hore yimid ayaa ahaa mid uu iska dhaliyay difaaca Villarreal ee Pau Torres.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa inta ugu badan ahayd mid muujinaysay in natiijada ciyaarta qaybtii hore la sii go’aamiyay. Barcelona ayaa 4-0 ugu awood sheegatay kooxda Villarreal oo niyadjab xun xili ciyaareedka ku bilaabatay.

SHAXDA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

VILLARREAL (4-4-2): Sergio Asenjo; Mario Gaspar, Raul Albiol, Pau Torres, Pervis Estupinan; Samuel Chukwueze, Dani Parejo, Francis Coquelin, Moi Gomez; Gerard Moreno, Paco Alcacer.

Kaydka: Ramiro Fuenes Mori, Carlos Bacca, Vicente Iborra, Geronimo Rulli, Manu Trigueros, Takefusa Kubo, Jaume Costa, Lanchi, Alex Baena, Fernando Nino.

BARCELONA (4-2-3-1) Neto; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergio Busquets, Frenkie de Jong; Lionel Messi, Philippe Coutinho, Ansu Fati; Antoine Griezmann.

Kaydka: Carles Alena, Miralam Pjanic, Ousmane Dembele, Rafinha, Pedri, Trincao, Junior Firpo, Inaki Pena, Riqui Pugi, Ronald Araujo, Santiago Ramos, Arnau Tenas.

Tababare Ronald Koeman ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Barcelona ee horyaalka La Liga waxa uu ku soo shir tagay shax xoogan inkasta oo uu kaydka ku reebay saxiixa cusub ee Miralam Pjanic oo kooxda ku cusub iyo Ousmane Dembele oo dhaawac waqti dheer ah ka soo laabtay.

Laakiin Koeman ayaa jeclaystay wax walba oo uu mar khaati ka ahaa qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii ay kooxdiisa Barca noqotay kooxda wax walba garoonka ka samaysay isla markaana aan halis badan la kulmin.

Barcelona ayaa qaybtii hore ee ciyaarta shaqadeeda sii qabsatay waxayna Villarreal ku dardareen 4 gool oo daran doori ah taas oo Koeman siisay bilaabashadii ugu fiicnayd ee uu La Liga ka heli karayay 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee kulankan.

DAQIIQADII 15 AAD Goolasha daadka ahaa ee Barcelona waxaa daah furay da’yarka heshiiska cusub lagu abaal mariyay ee Ansu Fati kaas oo si qurux badan u dhamaystiray kubbad caawin fiican oo uu ka helay Jordi Alba wuxuuna goolkani noqday mid argagax wayn ku abuuray Villarreal.

DAQIIQADII 19 AAD oo ah muddo afar daqiiqo ka yarayd ayuu Ansu Fati ku dhaliyay goolka labaad ee Barcelona isaga oo caawin qurux badan ka helay Philippe Coutinho oo kulankan waayihiisa ciyaareed ee cusub ee Barcelona si wayn ku bilawday wuxuuna Fati awooday in markale uu goolhaye Asenjo uu shabaqa u dhaafay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Barca hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 34 AAD REKOODHE! Ansu Fati ayaa markale xaalad adag ku abuuray kooxda Villarreal wuxuuna qalad kala kulmay Gaspar taas oo keentay in markiiba uu garsooruhu rekoodhe tilmaamay.

DAQIIQADII 35 AAD Lionel Messi ayaa gool u sarifay rekoodhaha kooxdiisa Barca lagu abaal mariyay wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee La Liga isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Barca ku dubanayso Villarreal.

DAQIIQADII 45 AAD Barcelona ayaa heshay goolkeeda afraad kadib markii uu Lionel Messi kubbad dilaa ah u qaaday Sergio Busquets oo si lama filaan ah weerarka u tagay laakiin kubbada uu Busquets doonayay in uu goolka afraad ku dhaliyo waxaa si qalad ah shabaqa kooxdiisa ugu leexiyay Pau Torres.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay Barcelona gumaad wayn ugu gaysatay kooxda martida u ahayd ee Villarreal waxayna u ahayd natiijo ay iskaga dul qaadeen qalalaasihii garoonka banaankiisa ee dhawrka bilood dhul gariirka ku ahaa.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayay markale Barcelona weerar ku bilaabatay waxaana daqiiqadii 49 aad goolkiisa labaad dhalin gaadhay Messi oo kubbad ka helay Ansu Fati laakiin goolhaye Asenjo ayaa kubbada baadiyay.

Ciyaarta ayaa waqti badan ahayd mid aan goolal layska dhalin iyada oo Barca wali raadinaysay goolal kale halka Villarreal ay doonaysay qaabkii ay goolasha iska soo yarayn lahayd.

DAQIIQADII 70 AAD Koeman ayaa laba isbadal oo hal mar ah shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Ousmane Dembele iyo da’yarka Pedri isaga oo saaray xidiga qaybtii hore wacdaraha dhigay ee Ansu Fati iyo Philippe Coutinho oo si fiican u ciyaaray.

DAQIIQADII 77 AAD Koeman ayaa kaydka uga yeedhay saxiixa cusub ee Miralam Pjanic wuxuuna saaray Sergio Busuqets waxa kale oo uu Koeman ciyaarta ka saaray Antoine Griezmann oo qaatay habeen kale oo aamusan isaga oo ciyaarta soo galiyay da’yarka Trincão.

Villarreal ayaa dhamaadkii ciyaarta fursado fiican abuurtay iyada oo Neto gool badbaadin lagu qasbay laakiin Lionel Messi iyo Dembele ayaa helay fursado ay goolal kale ku dhalin kareen iyada oo Messi fursad layaableh laga beeniyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 ay Barcelona ku xasuuqday kooxda Villarreal waxayna natiijadani farxad wayn u tahay Ronald Koeman oo waqti khilaaf badan kooxda macalin u soo ahaa intii ay Barca qalalaasaha khilaafka ah ku soo jirtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More