Jose Mourinho Oo Ka Jawaabay Hadalkii Duur Xulka Ahaa Ee Uu

Jose Mourinho ayaa ka soo jawaabay hadalkii kaftanka iyo duur xulka ahaa ee uu xalay kala kulmay macalinkii shaqada Manchester United ka badalay ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo tababaraha reer Portugal erayo xanaf leh ku ganay.

- Advertisement -

Markii ay Manchester United u guulaysatay qaab ayna waligeed koox kubbada cagta ahi guul uga gaadhin kulan horyaal ah ee uu garsoorihii kulankii Brighton ciyaarta oo dhamaatay dib iskugu yeedhay ee uu rekoodhaha ugu abaal mariyay United, waxa uu Solskjaer warbaahinta u sheegay hadal uu Mourinho dhibsaday.

Jose Mourinho ayaa kulankii Europa League waxa uu warbaahinta caalamka ku qabsaday hadal uu UEFA ugu baaqay in ay sare u qaadaan birta goolka kadib markii uu cabiray ee uu ku dooday in 5 sentimitir ay birta goolku ka gaabnayd heerkii loogu talogalay.

Laakiin markii ay Man United shan jeer kulankii Brighton ku badbaaday in ciyaartoyda Brighton ay shan jeer birta darbooyin ku garaaceen waxa uu Ole Gunnar Solskjaer kaftan maad ah ugu duur xulay Jose Mourinho.

Waxa uu Ole Gunnar Solskjaer markaas warbaahinta u sheegay: “Ugu horayn, waa in aad ku faraxsanaatan in halkan aanu Jose joogin si uu u cabiro biraha goolasha, waxaa suurtogal noqon lahayd in ay ka yaraan lahayd goolka”.

Waxa uu Solskjaer kaftanka ka sameeyay sawirka hoose ee Jose Mourinho oo UEFA u sheegaya in cabirkii birihii goolka ee kulankii Europa league uu ahaa mid 5 sentimitir ka gaabnaa heerkii caadiga ahaa laakiin Mourinho ayaa kaftankii Solskjaer si duur xul cajiib ah uga soo jawaabay.

Kadib markii ay Man United noqotay kooxda rekoodhayaasha ugu badan loogu abaal mariyay Premeir League 12 kii bilood ee la soo dhaafay, waxa uu Mourinho ku dooday in Ole Gunnar Solskjaer ayna isaga micno u lahayn dherarka birta goolku balse uu ku faraxsan yahay kaliya in xerada ganaaxa ay rekoodhe ku raadiyaan oo kaliya.

Waxa uu Mourinho sheegay in Ole Gunnar Solskjaer aanu jeclaadeen haddii xerada ganaaxa laga dhigo 17 yards halka uu ka yahay 18 yards isaga oo waliba ku sii maadsanaya rekoodhayaasha Man United ay guulaha ku raadiso ayuu Mourinho si jees-jees ah u muujiyay i Solskjaer uu jeclaan lahaa in xerada ganaaxa laga dhigo 22 yards.

Jose Mourinho oo u jawaabaya Ole Gunnar Solskjaer ayaa yidhi: “Ole shalay aad ayuu ugu faraxsanaa oo uu la yaabanaa wixii kooxdiisa ku dhacay wuxuuna sameeyay kaftan”.

“Laakiin anigu waan fahmayaa isaga, jahooyinka biraha goolku isaga muhiim uma aha, isaga waxa muhiimka u ahi waa jihooyinka xerada ganaaxa ee 18ka yards ah, isagu waligii muu aqbaleen in xerada ganaaxa laga dhigo 17 yards” ayuu Mourinho hadalkiisa raaciyay isaga oo Solskjaer iyo Man United ugu duur xuliya in xerada ganaaxa iyo rekoodhe raadis ay shaqo ka dhigteen.

Laakiin Mourinho oo markiisa kaftan maad ah ugu duur xulaya Solskjaer ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in isagu uu door bidayo in xerada ganaaxu ahaato 22 yards, way ka fiicnaan lahayd!”.

Mourinho ayaa muujiyay sida uu ula yaabay qaabkii ay Man United natiijada kaga heshay kulankii Brighton ee ciyaarta oo dhamaaday rekoodhihii guusha loogu abaal mariyay waana sababta uu Solskjaer ugu maadsaday in aana isaga wax kale muhiim u ahayn marka laga reebo goobta xerada ganaaxa ee rekoodhayaasha lagu helo marka laga reebo.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More