Miyay Liecester City Markale Layaab Dhigi Doontaa? Sidee Man

Manchester City ayaa gumaad wayn kala kulantay kooxda Leicester City oo xili ciyaareedkan wcdaro cajiib ah ugu bilaabatay horyaalka Premier League iyada oo wixii ay ka sameeyeen Etihad Stadium uu su’aalo badan abuuray.

Man City oo daqiiqadii 4 aad ee ciyaarta gool ku hor martay ayaa 5-2 lagu xasuuqay waxayna noqotay guuldaro shaki wayn ku abuurtay awooda kooxda uu Guardiola dib u qaabaynta ku sameeyay.

Liecester City waxay guulaysatay kulankeedii 3 aad oo xidhiidh ah waxayna si xarogo leh ugu fadhiisatay halka ugu saraysa miiska kala saraynta horyaalka Premier league mana muuqato koox kaalintan kala wareegi doonta todobaadkan haddii ayna arin layaablehi ka dhicin kulanka Liverpool iyo Arsenal.

Waxaa laga bartay kulankii Man City iyo Leicester City arimo aad u badan, laakiin labada arimood ee ugu muhiimsan ayaa ah in Liecer City hadda si buuxda loogu daray kooxaha sida dhabta ah ugu tartamaya koobka Premeir League kadib bandhigii iyo burburkii ay Man City u gaysteen.

Waxa kale oo laga bartay in Manchester City ayna lahayn awoodii ciyaareed ee looga soo bartay marka ay ciyaartoy muhiim ahi ka dhaawacan yihiin taas oo shaki wayn galinaysa xaalada kooxda Guardiola marka ay ciyaartoyda muhiim ah dhaawacyo ku waayaan.

Aan ku horaynee kooxda Liecester City ayaa 3 kulan ku heshay 9 dhibcood waxayna soo dhaliyeen 12 gool iyada oo 4 gool oo kaliya la soo kulantay, waxayna xogtani muujinaysaa sida kooxda Branden Rodgers ay halis wayn ugu tahay dhamaan kooxaha waa wayn ee koobka u ordaya.

Leicester City waa kooxda kaliya ee haysatay farqiga 8 gool marka la kala jaro tirada goolasha ay dhaliyeen iyo goolasha laga dhaliyay waana sababta ay Everton hogaanka uga qabteen, waana arin muujinaysa sida weerar ahaan iyo difaac ahaan ay xili ciyaareedkan layaab ugu bilawdeen.

Man City waxaa ka maqnaa ciyaartoy muhiim ah sida Sergio Aguero, Gabriel Juses iyo Laporte laakiin qiimaha ciyaartoyda Man City ee shaxdii kulankii Leicester City ma aha mid u cudur daari karta Guardiola iyo kooxdiisa waana arin muujinaysa in bixitaankii David Silva, Leroy Sane iyo xidigo ay da’du ku soo baxday ay xaalada u badalayaan.

Miiska Kala Saraynta Premier League Kadib Kulamadii La Ciyaaray shalay iyo maanta

Leicester City waxay xili ciyaareedkii hore waqti ahayd mid u tartamaysay koobka Premier League laakiin waxaa xaalad murugo badan galiyay saddexdii bilood ee karoonaha go’doonka loo galay taas oo kooxda Rodgers ka kala daadiyay wax walba oo ay soo dhiseen.

Laakiin waxay u muuqdaan kuwo dhiiro galin ka sii qaaday tartankii ay xili ciyaareedkii hore muujiyeen balse ay qalbi jabka ugu dhamaysteen maalintii xili ciyaareedka ugu danbeeyay ee ay u soo bixi kari waayeen Champions league.

Waa markii taariikhda Leicester City ugu horaysay ee ay wada guulaysteen saddexda kulan ee Premier League ugu horeeyay waana rekoodh ka fiican xataa xili ciyaareedkii ay aduunka kaga yaabsadeen koobka Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, haddii markii hore koobka loo saadaalinayay lixda kooxood ee waa wayn, waxaa hadda tartanka qayb muhiim ah ka soo noqday Leicester City iyo kooxda adag ee uu Carlo Ancelotti dhisay ee Everton.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More