Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Robert Pires Oo Shaaciyey Kooxda Uu La Doonayo Kylian Mbappe
Xiddigii hore ee xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Robert Pires ayaa kula taliyey da’yarka ay isku waddanka yihiin ee Kylian Mbappe inuu iskaga tago PSG haddii uu doonayo inuu horumar ka sameeyo kubadda cagta.Mbappe ayaa heshiiskiisa PSG uu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022, waxaana uu diidan yahay inuu saxeexo heshiis uu waqtiga ugu kordhinayo, taas oo ka dhigan inuu ka tegi doono xagaaga soo socda marka uu dhamaado xili ciyaareedkan socda.Kooxda reer France ayaa ku qasban inay iibiso Mbappe haddii uu ku adkaysto…
Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Kulanka Adag Ee Real Madrid
Garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka adag ee Champions League ee Real Madrid iyo Inter Milan ee ugu dambeeya wareegga hore ee hormooyinka ayaa la shaaciyey.Real Madrid oo hal dhibic kaliya sidata, labadii ciyaarood ee horena midna laga badiyey midna barbarro soo gashay ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay ku martigelin doontaa Inter Milan habeenka Salaasada ee toddobaadkan, waxaana Zinedine Zidane uu u dagaallami doonaa sidii uu guul u keeni lahaa, haddii kale, waxa halis geli doonta fursadda ay kooxdiisu ugu gudbi…
Waqtiyada Ay Soo Laabanayaan Thiago, Matip, Fabinho, Keita,
Liverpool ayaa rajaynaysa inay hesho qaar ka mid ah ciyaartoydeeda dhaawac ku maqan ka hor kulanka Champions League iyo Premier League ee usbuucan iyo toddobaadka dambe.Jurgen Klopp ayaa xal kale u helay khadkiisa difaaca kulankii West Ham, waxaanu ciyaarsiiyey Nat Phillips oo noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka. Reds ayaa guulo xidhiidh ah kasoo hoysay kulamadii Ajax, Sheffield United, FC Midtjylland iyo Midtjylland iyadoo ay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo muhiim ah oo maqnaanshahooda laga dareemayay…
Mason Mount Oo Magacaabay Booska Uu Jecel Yahay Inuu Ka
Xiddiga da’da yar ee khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Mason Mount ayaa magacaabay booskiisa dabiiciga ah ee uu jecel yahay inuu ka ciyaaro, isla markaana uu dareemayo inuu yahay kan uu ugu wanaagsan yahay.Mason Mount ayaa ka garab ciyaaray Kai Havertz iyo N’Golo Kante kulankii ay Sabtidii 3-0- ku khaarajiyeen Burnley, taas oo uu joogay dhexda hore, gaar ahaan No.8, halkaas oo uu bandhig fiican ka samaynayay.Inta badan waqtigiisa Chelsea, Mount waxa uu kusoo bilaabanayey dhexda hore isagoo qayb ka ah saddexda weerarka…
Ronaldo Nazario Waxa Uu Dhaliyey 88 Gool Oo Goolhayeyaasha
Halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario waxa uu dhaliyey 88 gool oo uu goolhayeyaasha dhulka seexiyey, isla markaana ay qaarkood daba rafteen, iyagoo isku dayayey inay badbaadiyeen kubadda goolkooda kusii socota.Ronaldo oo lagu tilmaamo mid ka mid ah weeraryahannadii ugu fiicnaa ee dunida soo maray, waxa uu ciyaaray 616 kulan oo heer kooxeed iyo qarankiisaba ah intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray, waxaanu dhaliyey 414 gool.Hibooyinka cajiibka ah ee uu lahaa Ronaldo ayaa waxay ahayd in aanu isku dhibin sidii uu kubadda…
Garsoore Khabiir Ah Oo Xukumay Haddii Uu Lionel Messi Kaadh
Garsoore hore Juan Andujar Oliver oo ah mid aad ugu khabiir ah arrimaha garsoorka kubadda cagta ayaa ka hadlay haddiiba kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu xalay mudnaa kaadh casaan ah kulankii ay booqdeen dhigooda Deportivo Alaves.Barcelona ayaan wax guul ah helin kulankii afraad ee xidhiidh ah horyaalka La Liga iyagoo haatan boos hoose kaga jira miiska kala sarreynta horyaalkaas isla markaana 8 dhibcood ka dambeeya Real Madrid oo hoggaanka haysa walow ay kulan baaqi ah haystaan.Kulankoodii ugu dambeeyay oo midkii…
Ronald Koeman Oo Soo Bandhigay BOOSKA Uu Walaaca Ugu Badan
Tababare Ronald Koeman ayaa soo bandhigay walaaca ka haysta kooxdiisa Barcelona iyo halka ay karti-darradu ka haysato ee sababta u ah inay dhibaatoodaan.Koeman oo xili ciyaareedkan la bilowday Barcelona ayaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka LaLiga ay kooxdiisu guul la’aan ahayd, waxaana laga badiyey laba ciyaarood iyo laba kale oo lala barbarreeyey oo ay ugu dambaysay kulankii Alaves ee shalay ay 1-1 ku kala baxeen.Inkasta oo Alaves ay 10 ciyaartoy ku dheelaysay 30kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ee ciyaartii…
SHAN Xiddig + Ozil & Sokratis Oo Ka Maqan Liiska Ciyaaryahanadda
SHAN Ciyaartoy oo afar ka mid ah ay muhiim yihiin iyo Mesut Ozil oo aan liiska kooxdaba ku jirin ayaa ka maqan Arsenal kulanka caawa fiidka ay la ciyaarayso Manchester United.Gunners ayaa kusoo laabanaysa garoomada saddex maalmood kaddib markii ay 3-0 kaga soo badisay Dundalk, kulan ka tirsanaa tartanka Europa League, taas oo uu Mikel Arteta isbeddel badan ku sameeyey safkiisa si ay taam ugu noqdaan ciyaarta caawa.Tababaraha reer Spain oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka Manchester United ayaa waxa uu amaan u jeediyey…
Paul Pogba Oo Naanays Cusub U Bixiyey Marcus Rashford –
Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba ayaa naanays cusub u bixiyey saaxiibkiisa Old Trafford ee Marcus Rashford oo u dabbaal-degaya sannad-guurada 23aad ee dhalashadiisa.Da’yarka reer England ayaa Sabtidii shalay galay da’da 23 jirka, waxaana uu farriimo ka helay inta badan ciyaartoyda Premier League oo ay ugu horreeyaan asxaabtiisa Manchester United.Laacibkan wacdaraha ka dhigay kulankii Arbacadii ee Champions League ee 5-0 ay ku garaaceen RB Leipzig oo saddexlay uu dhaliyey isagoo beddel kusoo galay,…
Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Ciyaaryahanadda Manchester United
Ole Gunnar Solskjaer iyo xiddigihiisa Manchester United ayaa fiidkii xalay iska xaadiriyey hotelka The Lowry Hotel ee waxyar u jira garoonka Old Trafford ka hor kulankooda caawa fiidka ay kusoo dhoweynayaan Arsenal.Manchester United ayaanu la soconin difaaca bidix ee reer Brazil ee Alex Telles oo Korona Fayras uu ku dhacay balse Brandan Williams ayaa fursaddaas ka faa’iidaystay oo ku jira liiska kooxda iyadoo uu rajaynayo inuu kusoo bilaaban doono haddii uu jaanis ka helo Luke Shaw.Anthony Martial oo kulankani ugu dambeeyo…