Leicester City Oo Man City Gumaaday, Jamie Vardy Oo

Kooxda Leicester City ayaa Manchester City ku ceebaysay Etihad Stadium iyada oo Jamie Vardy uu saddexley goolal ah uu si layaableh ugu xasuuqay Man City. Man City ayaa la kulantay guul daraadii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan balse qaabka loo bahdilay ayaa noqday mid muujinaya sida ay kooxda Guardiola xili ciyaareedkan u nugushahay.

Inkasta Man City ay ciyaartoy muhiim ahi ka maqnaayeen, haddana qiimaha ciyaartoyda Man City garoonka ugu jiray iyo kuwa kaydka ka soo baxay ayaa City qiimo aad uga sareeyay kooxda Leicester City ku jooga.

Gool uu Riyad Mahrez dhaliyay bilawgii ciyaarta ayaa Man City waxba u tari waayay waxaana saddex gool ugu jawaabay Jamie Vardy laakiin laba gool oo ka yimid Maddison iyo Youri Tielemans ayaa xaalada Man City burbur ka dhigay iyada oo gool uu Ake dhaliyay aanu waxba soo kordhin.

Man City ayaa guuldaro 5-2 ah kala kulantay kooxda Leicester City waxayna noqonaysaa guuldaro aanu Guardiola muddo dheer ilaawi doonin.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

LEICESTER CITY (3-4-3 ): Kasper Schmeichel; Daniel Amartey Jonny Evans, Caglar Soyuncu; Timothy Castagne, Nampalys Mendy, Youri Tielemans, James Justin; Dennis Praet, Harvey Barnes; Jamie Vardy.

Kaydka: James Maddison, Marc Albrighton, Danny Ward, Kelechi Iheanacho, Ayoze Perez, Hamza Choudhury, Christian Fuchs.

MANCHESTER CITY (4-2-3-1): Ederson; Kyle Walker, Eric Garcia, Nathan Ake, Benjamin Mendy; Fernandinho, Rodri; Phil Foden, Kevin De Bruyne, Raheem Sterling; Riyad Mahrez.

Kaydka: Oleksandr Zinchenko, Zack Steffen, Aymeric Laporte, Ferran Torres, Liam Delap, Tommy Doyle, Cole Palmer.

DAQIIQADII 4 AAD Alla muxuu gool ahaa! Riyad Mahrez ayaa gool cajiib ah waxa uu ka dhaliyay kooxdiisii horee e Leicester City kadib markii uu goolkan ku dhaliyay kubbad laga soo saaray difaaca Foxes taa soo uu De Bruyne koorne ku soo tuuray wuxuuna goolka Mahrez ahaa mid loo arkayay in uu Leicester naxdin ku ridayo.

Man City ayaa fursado xidhiidh ah sii abuurtay Laakiin kooxda Branden Rodgers ayaan isku dhiibin goolka cajiibka ah ee uu Riyad Mahrez dhaliyay waxayna bilaabeen in ay ka dagaalamaan goolka xiliga hore laga dhaliyay.

Daqiiqadii 35 aad Man City ayaa u qaadatay in ay heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Rodri madax ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu De Bruyne soo tuuray laakiin xidiga reer Spain ayaa xili horeba offside sii galay waana la diiday goolkan.

DAQIIQADII 36 AAD REKOODHE! Jamie Vardy ayaa qalad kala kulmay Kyle Walker waxaana Leicester City lagu abaal mariyay rekoodhaha daraamada layaabka leh bilaabay waxaana markiiba rekoodhahan gool u badalay isla Jamie Vardy oo kooxdiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay wuxuuna a dhigay barbaro 1-1 ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay babraro 1-1 ah laakiin ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso badan oo ay labada kooxoodba doonayeen in ay goolal kale dhaliyaan.

DAQIIQADII 54 AAD ee qaybtii labaad ee ciyaarta Leicester City ayaa si layaableh dhinaca kale Man City ugu dhigtay ciyaartii ay goolka ku hor mareen waxaana goolka labaad dhaliyay isla Jamie Vardy oo markan caawin ka helay T. Castagne wuxuuna natiijada ka dhigay 2-1 ay Leicester hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 57 AAD Alla maxay waali cusub ahayd! saddex daqiiqo kadib goolkii Vardy ee Leicester City hogaanka kula wareegtay, difaaca Man City ee Eric Garcia ayaa qalad kale oo rekoodhe keenay ku galay xidiga Man City burburiyay ee Jamie Vardy.

DAQIIQADII 58 AAD Jamie Vardy ayaa markale qaatay kubbada wuxuuna markii saddexaad dhaafiyay goolhaye Ederson isaga oo halkaas ku dhamaystirtay saddexleyda layaabka leh ee uu hogaanka ciyaarta ee kooxdiisa Leicester City kaga dhigay 3-1 , waxayna City gashay xaalad aan la sharixi karin.

Daqiiqadii 64 aad Guradiola ayaa ciyaarta soo galiyay saxiixa cusub ee Ferran Torres wuxuuna saaray Phil Foden laakiin shan daqiiqo kadib Rodgers ayaa lagu qasbay in uu ciyaarta soo galiyo Maddison kadib markii uu dhaawac soo gaadhay D. Praet.

DAQIIQADII 77 AAD Alla muxuu goolkii aan la rumaysan karin ahaa!! James Maddison oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa gool cajiib ah kaga yaabsaday goolhaye Ederson kadib markii uu kubbad ka soo qaatay  Nampalys Mendy isla markaana uu darbo wareegaysa ku kala dhantaalay Ederson oo markii afraad shabiqiisa loo dhaafay.

James Maddison oo ku caan ah in uu dhaliyo goolasha kadka fadhiga ka kaciya ayaa Man City niyadjabkii ugu waynaa ku riday wuxuuna burburiyay rajadii soo laabasho ee ay ku fikirayeen.

DAQIIQADII 84 AAD Man City ayaa ceebta natiijada iska soo yaraysay kadib markii uu Nathan Ake gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu koorne ka soo qaaday Riyad Mahrez waxayna ciyaartu noqotay 4-2 ay wali Leicester City laba gool ku horayso.

DAQIIQADII 86 AAD sil silada rekoodhayaasha ay difaacyada Man City galayeen ayaa halkiisa ka sii socday waxana markan qalad kale oo rekoodhe saddexaad keenay galay Benjamin Mendy  iyada oo Walker iyo Garcia ay hore min hal rekoodhe sabab ugu noqdeen wuxuuna Mendy qalad ku galay Maddison.

DAQIIQADII 88 AAD Youri Tielemans ayaa si degan u dhaliyay goolka shanaad ee kooxdiisa Leicester City wuxuuna soo celiyay hogaankii saddexda gool ahaa ee kooxdiisa Foxes wuxuuna natiijada ka dhigay 5-2 ay Leicester City ku gumaadayso Man City.

TAARIIKH: Leicester City ayaa noqotay kooxdii taariikhda Premier Leauge ugu horaysay ee abid saddex gool ku dhalisay saddex rekoodh hal kulan gudihii.!!!

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-2 ay Leicester City ugu xasuuqday Man City oo ay marti ugu ahayd Etihad Stadium waxayna guuldaradan musiibada ahi culays wayn saaraysaa Pep Guardiola iyo ciyaartoyda City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More