Shanta Qaab Ee Uu Mikel Arteta Ku Soo Dagaal Gali Doono

Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar laakiin Gunners ayaa dalabkii labaad oo rasmi ah u dirtay kooxda Lyon kadib markii la soo diiday dalabkii ugu horeeyay ee la gudbiyay September 25.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si layaableh u qirtay in ay door bidyaaan in kooxdoodu ay la soo saxiixato xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar taas oo sii xaqiijisay sida ay Gunners waqti badan xidigan ugu bixinayso.

Aubameyang oo wax laga waydiiyay xiisaha kooxdiisa Arsenal ee Houssem Aouar ayaa yidhi: “Dabcan waxaanu door bidinaynaa in aanu isaga la soo saxiixano mana qarinayo iyada xataa haddii uu Lyon joogo”.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shan qaab oo uu Mikel Arteta ku soo dagaal gali doono haddii uu ku guulaysato xidiga ay dalabkii labaad ka gudbiyeen ee Houssem Aouar.

Shaxda Kowaad-4-3-3 Iyo Houssem Aouar Oo Khadka Dhexe Ku Jira.

Shaxda Labaad-4-2-1-3 Iyo Houssem Aouar Oo Caawiyaha Weerarka Ah.

Shaxda Saddexaad-5-2-3 Iyo Houssem Aouar Oo Khadka Dhexe Ku Jira.

Shaxda Afraad-4-2-3-1 Iyo Houssem Aouar Oo No.10 ah.

Shaxda Shanaad-4-3-3 Houssem Aouar Iyo Thomas Partey Oo Khadka Dhexe Kuwada Jira.

Shaxdee noqon karta shaxda uu Arteta koobka Premier League si dhab ah ugula tartami karo kooxaha waa wayn ee Premier league?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More