Muxuu Luis Suarez Ka Yidhi Taariikhdii Uu Ka Dhigay Atletico
Weeraryahanka reer Uruugay ee Luis Suarez ayaa qirtay inuuu u baahnaa inuu isbeddel ku sameeyo xirfaddiisa oo uu tago Atletico Madrid, taas oo uu xalay u saftay kulankiisii ugu horreeyey.
Suarez ayaa dhaliyey laba gool, mid kalena caawiye ka noqday muddo 19 daqiiqadood ah oo uu garoonka ku jiray, waxaanu qayb ka noqday xiddigihii tababare Diego Simeone ee xasuuqa u geystay Granada.
Laacibkan oo beddel kusoo galay daqiiqaddii 71aad ayaa daqiiqad kaliya markii uu garoonka ku jiray, waxa uu caawiye ka noqday goolka afraad ee kooxdiisa oo uu kubadda u sallaxay Marcos Llorente, ka hor intii aanu laba gool oo daran-doorri ah oo shan daqiiqadood u dhexeeyeen ku hubsanin shabaqa kooxda Granada.
33 jirkan oo qaab aan wanaagsanayn kaga yimid Barcelona oo soo kansashay qandaraaskiisa ayaa waxa uu sheegay inay isaga shaqsiyan u wanaagsanayd inuu beddelo kooxdiisa hore oo uu yimaaddo Atletico Madrid.
Waraysi uu siiyey warbaahinta kaddib ciyaarta ayuu ku yidhi: “Ciyaartoy ahaan, mararka qaarkood muhiim ayuu yahay isbeddelku.
“Waxa aan imid koox isiisay soo dhoweyn cajiib ah. Waxa aan dareemaysaa jawiga, waxa aad dareemaysaa wax wanaagsan laga soo bilaabo bilowgii, waxaana taas lagu arkay garoonka dhexdiisa.”
Luis Suarez waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay maxsuulka kasoo baxay ciyaartii koowaad ee uu u dheelay Atletico Madrid, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay kulankayga koowaad, waxaanan xataa kusii farxay inaanu saddexda dhibcood helnay ciyaartii horyaalka iigu horreysay.
“Waqti kasta oo aad ciyaartaad koowaad kusoo bilaabato oo aad kooxda ku caawiso goolal, waad ku farxaysaa laakiin waxaynu arki doonaa mustaqbalka, sababtoo ah xili ciyaareedku wuu dheer yahay.”