Robert Lewandowski Oo Magacaabay SHANTA Weeraryahan Ee Ugu

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa magacaabay xiddig afka hore uga ciyaara Atletico Madrid oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan dunida, kaas oo kulankiisii ugu horreeyey laba gool u dhaliyey Atletico.

Robert Lewandowski oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan waqtigan dunida, waxa waxa uu kooxdiisa Bayern Munich xili ciyaareedkii tegay u dhaliyey 55 gool iyo 10 caawimood, waxaanu la qaaday dhamaan koobabkii ay u tartameen, sida Champions League, Bundesliga, German Cup iyo UEFA Super Cup.

Xiddiga reer Poland oo la weydiiyey weeraryahannada ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan, ayaa si degdeg ah ula soo booday Luis Suarez oo ay Barcelona burburisay heshiiskii uu kula jiray, si xor ahna ugaga wareegay Atletico Madrid oo uu kulankiisii ugu horreeyey u dhaliyey laba gool.

“Maaha su’aal fudud. Haddii aynu ka hadlayno weeraryahannada tooska ah ee No.9, sida weeraryahannada dhexe, waxa aan lasoo bixi lahaa Karim Benzema, Timo Werner, Luis Suarez, Sergio Aguero iyo Kylian Mbappe.” Ayuu yidhi Robert Lewandowski.

Suarez ayaa toddobaadkan horraantiisii ka tegay Barcelona, waxaana laba maalmood markii uu joogay Atletico uu u saftay kulankiisii ugu horreeyey habeenkii xalay oo ay 6-1 ku garaaceen Granada, taas oo uu ka dhaliyey laba gool mid kalena caawiye ka noqday.

Inkasta oo ay Barcelona iska nacday oo ay ku qasabtay inuu iskaga tago, haddana waxa uu Suarez yahay ciyaartoyga kaliya ee tan iyo xili ciyaareedkii 2009-10 ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee aan ahayn Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, taas oo uu Lewandowski ugaga dambeeyey saddexdoodaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More