Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Villarreal Iyo Xidigaha Uu

Barcelona ayaa kulankeedii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee La Liga waxay Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Villarreal iyada oo Ronald Koeman uu soo xushay shaxdiisii ugu horaysay ee kulan tartan ah.

Barcelona ayaa doonaysa in ay ka yara nasato burburkii banaanka garoonka ku soo gaadhay bilihii ugu danbeeyay iyo khilaafyadii taxanaha noqday iyada oo Koeman uu doonayo in ay iska ilaawaan wax walba oo xun oo ay kooxdoodu soo martay.

Ronald Koeman ayaa shaxdiisa goolka ugu soo bilaabay Neto iyada oo goolhaye Ter Stegen uu kulankan seegay waxaana afarta difaaca ah ku soo wada baxay Sergi Roberto, Gerard Piqué, Clement Lenglet iyo Jordi Alba.

Tababare Koeman ayaa saddexda khadka dhexe ee kulankan adag waxa uu soo xushay Frenkie De Jong,  Sergio Busquets iyo Philippe Coutinho oo ka soo laabtay amaahdii uu Bayern Munich ku joogay.

Dhinaca kale Ronald Koeman ayaa saddexda weerarka ku soo wada bilaabay Lionel Messi, Antoine Griezmann iyo da’yarka sida rasmiga ah loo soo dalacsiiyay ee Ansu Fati.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Villarreal.

Barcelona XI: Neto, Sergi Roberto, Gerard Piqué, Clement Lenglet, Jordi Alba, Frenkie De Jong,  Sergio Busquets, Philippe Coutinho, Lionel Messi, Ansu Fati, Antoine Griezmann

Villarreal XI: Asenjo; Gaspar, Albiol, Pau Torres, Estupiñán; Chukwueze, Parejo, Coquelin, Moi Gómez; Moreno, Alcácer

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More