Waa Kuma Xiddiga 29 Jirka Ah Ee Liverpool Ee Jurgen Klopp Ku

Liverpool ayaa caawa marti gelinaysa Arsenal, waxaanay u dagaallami doonaan sidii ay guushii saddexaad ee xili ciyaareedkan u gaadhi lahaayeen isla markaana u difaacan lahaayeen koobka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysteen oo soo afjartay 30 sannadood oo ay abaari ka haysay.

Reds waxay xagaagan lasoo saxeexatay saddex ciyaartoy oo tababare Jurgen Klopp uu waqti dambe safkiisa kusoo xoojiyey, kuwaas oo saxeexyadooda lagu dhawaaqay xilli lagu canaanayo in aanay dibu-dhis isku samaynayn.

Laakiin markii ay Chelsea ku garaaceen Isniintii hore 2-0, waxay kusoo noqotay saadaasha kooxda  koowaad ee loo badinayo in ay xili ciyaareedkanna koobka ku guuleysan doonto, waxaanay sababtu ahayd Thiago Alcantara oo wacdaro dhigay, halka Diogo Jota aanu wali horyaalka Premier League u safanin inkasta oo kulankii Carabao Cup ee Lincoln uu beddel kusoo galay.

Liverpool waxay £20 milyan kula soo wareegtay kubbad-sameyaha reer Spain ee Thiago Alcantara oo ay Bayern Munich kasoo qaadatay, waxaa se laacibkan shaki la gelinayaa haddii uu ciyaari doono kulanka Arsenal ee caawa.

Jurgen Klopp oo ka hadlayay Thiago Alcantara ayaa ku tilmaamay in inkasta oo ay da’diisu tahay 29 jir uu haddana marka uu kubadda haysto uu u ciyaarayo sida ‘carruurta’ oo kale, waxaanu yidhi: “Waxa cajiib ah, marka uu kubadda haysto, waxa uu u ciyaarayaa sidii uu wali carruur yahay. Marka uu kubadda qaato, dhab ahaantii waa qof qaan-gaadh iyo khabiir kubadda cagta oo waxyaabo badan xiisaynaya, xeeladda iyo dhamaan waxyaabaha uu samaynayo. Waxa kale oo muhiim ah inuu doonayo inuu wali wax sii barto.”

Jurgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Thiago way caddahay inuu yahay ciyaartoy aad u wanaagsan. Waxaad aragteen kulankii Chelsea. Waxyaabaha qaarkood waa abuurtiisa dabciga ah oo aanay ciyaartoyda kale lahayn, laakiin waxa aanu ku guuleysanay horyaalka Premier League iyo Champions League iyadoo aanu Thiago nala joogin. Isaguna waxa uu kula guuleystay Bayern Munich, sidaa darteed, si fiican ayuu noogu soo baxayaa, waananu kala faa’iidaysanaynaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More