Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Man City Oo Saxiixa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo Ka Dulqaaday

Manchester City ayaa ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee deriskooda ee Manchester United saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Filip Stevanovic.Kooxda Partizan ayaa Twitter ku xaqiijisay in kooxda Pep Guardiola ay ku guuleysatay saxiixa xiddigaan 18 jirka ah ee ay sida weyn ugu dagaalamayeen labada kooxood ee Manchester ka dhisan.Labada kooxood ee Manchester ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga garabka ka ciyaara muddo bilooyin ah laakiin kooxda Guardiola ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay saxiixiisa.Stevanovic ayaa si…

Real Madrid Oo Guul Weyn Gaartay, Hazard Oo Soo Laabtay,

Real Madrid ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 4-1 ku xaaqeen kooxda Huesca oo marti ugu aheyd garoonkooda ku meel gaarka ah Alfredo de Stefano Stadium.Eden Hazard ayaa soo laabtay isagoo qeyb libaax leh ka qaatay guushii maanta ka dib markii uu shabaqa soo taabtay halka Karim Benzema uu dhaliyay labo gool iyadoo goolka kale uu saxiixay Fade Valverde.Los Blancos ayaa sii wadata guulaheeda La Liga ka dib guushii El Clasico ee ay Barcelona ka gaareen isbuucii la soo dhaafay iyagoo hogaanka ku haya…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Burnley vs Chelsea – Lampard Oo Keyd

Chelsea ayaa maanta booqaneysa garoon aan looga badinin horyaalka Premier League ee Turf Moor iyagoo marti u ah kooxda Burnley oo qaab ciyaareed adag soo bandhigeysa xilli ciyaareedkan.Blues ayaa badisay shan ka mid ah lix kulan oo ay booqatay garoonka Turf Moor tan iyo intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League.Xaqiiqdiina markii ugu danbeysay ee ay Burnley garoonkeeda uga badisay Chelsea kulan horyaalka ahw axay aheyd bishii Agoosto 1973 markaasoo ay 1-0 ku badiyeen.Tababare Frank Lampard ayaa shax adag soo…

Bartomeu Oo Ciyaaryahan Aan Lionel Messi Aheyn Ku Eedeeyay

Madaxweynaha iska casilay shaqada Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ku eedeeyay Neymar fashilkiisii Camp Nou mudadii uu madaxweynaha ka ahaa madaama uu xiddiga reer Brazil ku biiray PSG markii ay bixiyeen lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa.Bartomeu ayaa xaqiijiyay is casilaadiisa horaantii isbuuca isagoo ku dhawaaqay inay isaga tagayo shaqada ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida.Bartomeu kuma faraxsaneyn inuu ka tago Barcelona laakiin wuxuu ogaa inuu ku qasban yahay inuu markabka ka dego bedelkii laga tuuri…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Real Madrid Kaga Hortagayso Huesca –

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga Santander ee Real Madrid ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Huesca xilli ay dareemo kala duwan kusoo jirtay marka la eego natiijooyinkeedii labadii kulan ee ugu dambeeyay.Los Blancos ayaa toddobaadkii hore laba kulan guuldarrooyin kala soo kulmay Cadiz iyo Shakhtar Donestk kahor inta aysan guul weyn Camp Nou kaga soo hoynin Barcelona, intaas kaddib Real ayaa markale dib u dhac gashay iyagoo Salaasadii bar-bardhac 2-2 ah lasoo galay Borussia Monchengladbach kulan Champions League ahaa.Tababare…

“Alle Nolosha Haku Duleeyo, Nabiga Waxaanu Jecel Nahay In Ka

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov oo lagu yaqaano inuu si weyn u difaaco diinteeda suuban ee Islaamka kuna caan ah inuu yahay shaqsi aad ugu ad-adag arrimaha sharciyan Alle inoo jideeyay ayaa jawaab la sugayay siiyay madaxweynaha France.Emmanuel Macron oo ah ninka ugu sarreeya France ayaa dhawaan diinta Islaamka ku sifeeyay mid qalalaase ku ah dunida oo dhan, hadalkiisa ayaa dhaliyay in si weyn guud ahaan muslimka caalamku uga fal-celiyaan.Hadalka Macron ayaa yimid kaddib markii France lagu dilay macalin Samuel…

Kooxdii Weyneyd Ee Barcelona Oo Gabi Ahaanba KACAYSA,

Waxa maalinba maalinta xigta soo kordhaya dhibaatooyinka ay kooxda Barcelona dhexda ka galayso ee banaanka garoonka ah iyadoo haatan la sheegayo inay gabi ahaanba kici karto kooxda oo ay dhaqaale ahaan dhulka geli karto.Sida uu sheegayo il-wareedka ree Spain ee RAC1, Barcelona ayaa gabi ahaanba kici doonta haddii aysan 190 Milyan oo euro oo kamida mushaharka xiddigaheeda dhimin kahor dhammaadka toddobaadkan.RAC1 ayaa sheegaya inay haddaba bilaabmeen wadahadalada ay kooxdu ku doonayso inay hoos ugu dhigto mushaharka…

Pep Guardiola Iyo Jurgen Klopp Oo Ku Biiray DAGAAL Ka Dhan

Tababareyaasha kooxaha Manchester City iyo Liverpool ee Pep Guardiola Iyo Jurgen Klopp ayaa ku biiray xoogag cadaadis saaraya maamulka Premier League oo ka doonaya inay ilaaliyaan ciyaartoyda, xilli sanka la isku geliyey kulamo cidhiidhi ah oo aanu waqti badan u dhaxaynin.Premier League ayaa lagu cadaadinayaa inuu horumar ka sameeyo daryeelka ciyaartoyda, isla markaana aan meesha laga saarin sharcigii cusbaa ee kooxaha u ogolaanayay inay shan beddel sameeyaan.Guardiola iyo Klopp ayaa Jimcihii shalay waxay ku biireen…

Ole Gunnar Solskjaer Oo Lagula Taliyey In Kulanka Arsenal Uu

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagula taliyey inuu kaydka geliyo weeraryahanka kooxdiisa ee  Marcus Rashford, isla markaana aanu kusoo bilaabin kulamada horyaalka iyo Champions League.Marcus Rashford ayaa  wacdaro ka dhigay kulankii Champions League ee RB Leipzig oo uu dhaliyey saddexlay isagoo 27 daqiiqadood oo kaliya garoonka ku jiray, waxaana uga horreysay inuu ahaa laacibkii guusha ku hoggaamiyey kooxdiisa markii ay safarka ugu tagtay PSG usbuucii kasii horreeyey oo ay 2-1 kusoo badisay.Laakiin…

Real Madrid vs Huesca & Alaves vs Barcelona – Zidane &

Real Madrid iyo Barcelona ayaa kusoo laabanaya garoomada Sabtida maanta kaddib kulankoodii El Clasico ee Los Blancos ay guusha weyn soo gaadhay.Kooxda tababare Zidane ayaa la ciyaari doonta naadiga yar ee Huesca ee kasoo dallacay heerka labaad, waxaanay doonayaan guushii labaad oo xidhiidh ah ee tartanka horyaalka LaLiga, halka Barcelona ay u tegayso Alaves, taas oo tababare Ronald Koeman uu u dagaallami doono inuu kusoo laabto jidka guusha kaddib labadii guul-darro ee Real Madrid iyo Getafe ay u xambaariyeen ee keenay inay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More