“Waxaad Ka Tagaysaa Koox Weyn Oo Ka Weyn Man City” –

Tababaraha kooxda ree Portugal ee SL Benfica ee Jorge Jesus ayaa farriin cajiib ah u diray daafaca dhexe ee ay kooxdiisu ka iibisay Manchester City ee Ruben Dias xilli uu u muuqday mid quudhsaday kooxda Premier League.

Jesus oo lagu yaqaano inuu waxkasta uga hadlo si daacad ah oo toos ah ayaa quudhsi aysan jeclaysan doonin ka yidhi Manchester City xilli uu Dias macasalaameyn qiiro leh kaga tagay kooxdiisa.

Xilli ay dhammaan ciyaaryahanada Benfica iskugu soo urureen qolka labiska ee kooxdooda, Jorge Jesus ayaa amaanay 23 sano jirka daafaca dhexe ah ee kasii socda kahor inta uusan durin kooxdiisa cusub.

Jorge ayaa sheegay in kulankii ugu dambeeyay ee uu Ruben kooxda u ciyaaraa uu ahaa mid waxkasta fiicnaayeen maadaama oo uu xataa gool dhaliyay halka uu sidoo kale mid iftiimaya ku sifeeyay mustaqbalkiisa.

Dhinaca kale Jorge Jesus ayaa ku sifeeyay kooxda uu ku biiray Ruben ee Sky Blues mid kaliya dhaqaale ahaan ka sarreysa Benfica laakiin ka yar taariikh ahaan.

Jesus ayaa yidhi “Ruben waa la macasalaamaynayaa, kaliya laguna macasalaamaynayo waxa ay kooxdu gaadhay laakiin kulanka (oo 2-0 ay ku guuleysteen), isaguna wuu ciyaaray sidoo kale”

“Isagu waxa uu ahaa kabtanka, gool ayuu dhaliyay sidaas darteed waxkasta waxa ay ahaayeen kuwo qurux badan, mustaqbalkiisa waxa uu u muuqdaa mid qurxoon sidoo kale dhammaanteen sidaas ayaynu aaminsanahay”

“Nolosha ciyaaryahan kubadda cagta ahi waa sidan oo kale, waxaad ka tagaysaa koox weyn (Benfica) oo ka weyn City taas oo kaliya ay dhaqaale ahaan ka yartahay taasina waa waxa kala duwanaanshaha samaynaya”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More