Xulka Qaranka England Ee Kulamada Aadag Ee UEFA Nations

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa ee kulamada aadka u adag ee UEFA Nations League ee toddobaadka, waxaana uu u yeedhay ciyaartooyo cusub ku xulka oo aan hore ugu dheelin, halka uu kuwo kalena ka reebay.

Southgate ayaa xulka dib ugu soo celiyey kabtan Harry Maguire oo hore looga saaray markii uu dagaal ku galay waddanka Giriigga bishii hore, isla markaana seegay kulamadii qarankiisa ee September. Sidoo kale, gool-dhaliyaha layaabka leh ee Dominic Calvert-Lewin oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan England xili ciyaareedkan bilowga ah, laba saddexleyna u saxeexay Everton ayaa loogu yeedhay xulka qaranka.

Waxa kale oo ku jira weeraryahanka Leicester City ee Harvey Barnes iyo difaaca Arsenal ee Bukayo Saka oo ay u noqonayso markii ugu horreysay ee ay qaranka England ku metelaan heerka koowaad.

Labada ciyaartoy ee fadeexadda ka sameeyey kulamadii hore ee gabdhaha ku xaraystay hotel ku yaalla Iceland ee Mason Greenwood iyo Phil Foden ayaa laga reebay liiska xulka qaranka ee kulamada bishan October, waxaanay sababsadeen dhaqan-xumadooda.

England ayaa Khamiista toddobaadka dambe ee October 8, waxay garoonka Wembley kula ciyaarri doontaa xulka qarnaka Wesles, waxaana ku xigi doona laba kulan oo adag oo UEFA Nations League ah.

Jadwalka kulamada England ciyaarayso;

Wales (H) – 8pm – Khamiis 8 October 2020 – Garoonka Wembley Stadium

Belgium (H) – UEFA Nations League, 5pm Axad 11 October 2020, Garoonka Wembley Stadium

Denmark (H) – UEFA Nations League, 7.45pm Arbaca 14 October 2020, Garoonka Wembley Stadium

Xulka qaranka England oo dhamaystiran

Goolka: Dean Henderson, Jordan Pickford, Nick Pope.

Difaaca: Trent Alexander-Arnold, Ben Chilwell, Conor Coady, Eric Dier, Joe Gomez, Michael Keane, Harry Maguire, Ainsley Maitland-Niles, Tyrone Mings, Bukayo Saka, Kieran Trippier, Kyle Walker.

Khadka dhexe: Jordan Henderson, Mason Mount, Kalvin Phillips, Declan Rice, James Ward-Prowse, Harry Winks.

Weerarka: Tammy Abraham, Harvey Barnes, Dominic Calvert-Lewin, Jack Grealish, Danny Ings, Harry Kane, Marcus Rashford, Jadon Sancho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More