Sida Afarta Dheri Loogu Kala Jiro, Group-yada Dhimashada Ee

Waxa ay u muuqataa inay shalay uun ahayd markii ay daawanaynay Bayern Munich oo koobka UEFA Champions League ku dhex qaadaysay magaalada Lisbon balse isku aadka wareega Group-yada ee tartankaas ayaa maanta oo Khamiis ah dhacaya.

Salaasadii iyo Arbcadii ayay ciyaareen kooxihii ugu dambeeyay ee isreeb-reebka u galayay tartankaas ka qayb galkiisa waxaana haatan la ogyahay kooxaha 32-ka ah ee gaadhay wareega Group-yada.

Isku aadyada Champions League iyo Europe League ayaa la filayay inay Greece ka qabsoomi doonaan balse waxa loo wareejiyay dalka Switzerland iyadoo lagu qaban doono goob albaabadu u xidhan yihiin.

Koobka ayaa bilaabmi doona 20-ka October, marka laga yimaado inuu bilaabmayo bil kaddib xilligiisii caadiga ahaa UEFA ayaa filanaya in sidiisii caadiga ahayd loo ciyaari doono iyadoo uu Final-ku ka qabsoomi doono Ataturk Stadium oo Turkey ah 29-ka May 2021.

Haddaba, kahor isku aadka maanta ayaanu halkan idiinkaga jawaabi doonaa su’aalo dhawr ah oo la iska weydiinayo kahor bilaabashadiisa?

Waa Goorma Isku Aadku? 

Isku beeg-beega ayaa qabsoomi doona maanta oo Khamiis ah oo ay 1 tahay bisha October halka midka Europe League uu yahay berri oo Jimce ah.

Waa Saacadma Isku Aadka Maantu?

Xaflada ayaa bilaabmi doonta caawa 7:00 fiidnimo xilliga geeska Africa waxaana la filayaa inuu isku beeg-beegu waxyar kaddib deg-deg u bilaabmi doono.

Kooxahee Isku Dheri/Khaanad Ku Jira?

Halkan hoose kaga boggo sawirka afarta dheri ee kama dambaysta ah, koox kasta oo dheri ku jirta ayaa hal Group geli doonta iyadoo la kala ilaalin doono kooxaha isku dalka kasoo jeeda.

Waa Maxay Group-ka Ugu Adag & Midka Ugu Sahlan Ee Ay Geli Karaan Kooxaha Premier League?

Liverpool

Group-ka Ugu Sahlan: Shakhtar Donetsk, Krasnodar and Ferencvaros

Group-ka Ugu Adag: Barcelona, Inter Milan and Marseille

Manchester United

Group-ka Ugu Sahlan: Zenit Saint Petersburg, Krasnodar and Ferencvaros

Group-ka Ugu Adag: Bayern Munich, Inter Milan and Marseille

Manchester City

Group-ka Ugu Sahlan: Zenit Saint Petersburg, Krasnodar and Ferencvaros

Group-ka Ugu Adag: Bayern Munich, Inter Milan and Marseille

Chelsea

Group-ka Ugu Sahlan: Zenit Saint Petersburg, Krasnodar and Ferencvaros

Group-ka Ugu Adag: Bayern Munich, Inter Milan and Marseille

Jadwalka Loogu Talo-Galay Champions League 2020-21 Oo Dhammaystiran

Heerka Group-yada

20/21 October: Matchday 127/28 October: Matchday 23/4 November: Matchday 324/25 November: Matchday 41/2 December: Matchday 58/9 December: Matchday 6

Wareega 16-ka

16/17/23/24 February: Round of 16 first legs9/10/16/17 March: Round of 16 second legs

Siddeed-Dhammaadka

6/7 April: First legs13/14 April: Second legs

Afar -hammaadka

27/28 April: First legs4/5 May: Second legs

Kama-Dambaysta

29 May: Champions League final

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More