Qori Tuurka Wareega Group-yada Champions League Oo Maanta La

Goormaa ayaa la qabanayaa isku aadka wareega group-yada Champions League?

Isku aadka wareega group-yada Champions League waxaa la qabanayaa maanta oo Khamiis ah saacada geeska Afrika marka ay tahay 6pm waxaa lagu qaban doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland, shabakada Laacib ayaa si toos ah idiin kugu soo gudbin doona isku aadka haddii uu Eebe idmo.

Waa Kuwee kooxaha ka qeyb galaya isku aadka?

Spain (4): Real Madrid, Barcelona, Atlético de Madrid, SevillaEngland (4): Liverpool, Manchester City, Manchester United, ChelseaItaly (4): Juventus, Inter, Atalanta, LazioGermany (4): Bayern, Dortmund, RB Leipzig, MönchengladbachFrance (3): Paris Saint-Germain, Marseille, RennesRussia (3): Zenit, Lokomotiv Moskva, KrasnodarUkraine (2): Shakhtar Donetsk, Dynamo KyivPortugal (1): PortoBelgium (1): Club BruggeNetherlands (1): AjaxAustria (1): SalzburgTurkey (1): İstanbul BaşakşehirDenmark (1): MidtjyllandGreece (1): OlympiacosHungary (1): Ferencváros

Sida uu isku aadka u dhici doono.

32da kooxood ee ka qeyb galaya wareega group-yada Champions League waxaa loo kala saari doonaa afar dheri ka hor isku aadka. Dheriga 1aad waxaa soo galaya kooxda ku guuleysatay Champions League, kooxda ku guuleysatay Europa League iyo kooxaha qaaday horyaalkooda ee wadamada Spain, England, Italy, France, Russia iyo Portugal.

Dheriyada kale ee 2, 3 iyo 4 waxay kooxaha u kala geli doonaan sida ay ugu kala sareeyaan qiimeynta kooxaha Yurub ee UEFA.

Group walba wuxuu ka koobnaan doonaa min hal koox oo laga soo xulayo afarta dheri taasoo la micno ah in kooxaha dheriga koowaad inaysan isku group noqon karin.

Sidoo kale isku group ma noqon doonaan kooxo isku wadan ah sida Real Madrid iyo Barcelona oo dheriga 1aad iyo 2aad ku kala jira. Halka sidoo kale la kala ilaalin doono kooxaha Ukraine iyo Russia sababo siyaasad darteed.

Sida Ay Kooxaha Ugu Kala Jiraan Dheriyada Ka Hor Qori Tuurka

Dheriga 1aad

Bayern (GER, ku guuleysatayaasha UEFA Champions League)Sevilla (ESP, ku guuleysatayaasha UEFA Europa League)Real Madrid (ESP)Liverpool (ENG)Juventus (ITA)Paris (FRA)Zenit (RUS)Porto (POR)

Dheriga 2aad

Barcelona (ESP)Atlético de Madrid (ESP)Manchester City (ENG)Manchester United (ENG)Shakhtar Donetsk (UKR)Dortmund (GER)Chelsea (ENG)Ajax (NED)

Dheriga 3aad

Dynamo Kyiv (UKR)Salzburg (AUT)RB Leipzig (GER)Internazionale Milano (ITA)Olympiacos (GRE)Lazio (ITA)Krasnodar (RUS)Atalanta (ITA)

Dheriga Afaraad

Lokomotiv Moskva (RUS)Marseille (FRA)Club Brugge (BEL)Borussia Mönchengladbach (GER)İstanbul Başakşehir (TUR)Midtjylland (DEN)Rennes (FRA)Ferencváros (HUN)

Wareega group-yada Champions League wuxuu si rasmi ah u bilaaban doonaa 20ka bishaan October.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More