Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Liverpool Oo Loo Xaqiijiyay Inay Hogaanka Premier League Sii
Everton ayaa kulankii labaad ee horyaalka Premier League oo isku xiga laga badiyay iyagoo si rasmi ah hogaanka horyaalka ugu wareejiyay kooxda Liverpool oo todobaadkan ku dhameysaneysa iyagoo hogaanka u haya horyaalka.Everton ayaa fursad u heysatay inay kaalinta koowaad ku soo noqoto madaama ay farqiga goolasha ka fiican yihiin deriskooda Liverpool laakiin guuldarro 2-1 ayaa ka soo gaartay kooxda Newcastle oo marti loogu ahaa St James Park.Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid lagu caajisay laakiin qeybtii labaad ayay…
Atalanta Oo Musiibo Dhaawacyo Ah Badhtanka Ka Gashay Kahor
Kooxda ree Talyaani ee Atalanta ayaa dhexda kaga jirta mashaqo dhaawacyo ah kahor kulankooda soo socda ee ay UEFA Champions League la balansan yihiin Liverpool xilli ay labada kooxood wareega saddexaad ee heerka Group-yada kulamayaan.Kooxda lagu naanayso La Dea ayaa Salaasada soo socota kahor tagaya dhigooda difaacanaya horyaalka Premier League kaddib markii ay guul 2-1 ah shalay kasoo gaadheen kooxda Crotone oo ay booqdeen.Sida uu hadda sheegayo wargeyska La Gazzetta dello Sport, Rafael Toloi ayaa kulankaas ka baxay iyadoo…
“Waan Ku Faraxsanahay Ziyech Laakiin Wali Kuma Qanacsani…..”
Halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Labouef ayaan ku wada faraxsanayn bandhiga xiddigaha kooxdiisii hore kulankii ay xalay guusha weyn ee 3-0 ka ah kasoo gaadheen Burnley oo ay Turf Moore ku booqdeen.Labouef ayaa sheegay inuu si gaar ah ugu faraxsanaa Hakim Ziyech oo kulankii labaad ee xidhiidh ah ee uu kusoo bilawday goolkii labaad dhaliyay balse sheegay inuusan si buuxda ugu qancin Kai Havertz oo ah xiddiga haatan ugu mushaharka badan kooxda,Kai Havertz ayaa shalay booskiisii caadiga ahaan mid ka qoto dheer ka ciyaarayay…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man United vs Arsenal – Yay
Kooxda Manchester United ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Arsenal kulan ka tirsan ahna midka ugu xiisaha badan wareega toddobaad ee horyaalka Premier League.Gunners ayaa imanaya Old Trafford oo aysan wax guul ah ku gaadhin tan iyo 2006 halka ay labadeedii kulan ee ugu dambeeyay guuldarro kala soo kulantay Man City iyo Leicester City ciyaaraha horyaalka.Red Devils ayaan iyaguna si wanaagsan kaga jirin horyaalka, walow ay qaabkii ugu fiicnaa ku bilawdeen Champions League ayay haddana wali guul la’aan yihiin horyaalka gaar ahaan…
Robert Pires Oo Shaaciyey Kooxda Uu La Doonayo Kylian Mbappe
Xiddigii hore ee xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Robert Pires ayaa kula taliyey da’yarka ay isku waddanka yihiin ee Kylian Mbappe inuu iskaga tago PSG haddii uu doonayo inuu horumar ka sameeyo kubadda cagta.Mbappe ayaa heshiiskiisa PSG uu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022, waxaana uu diidan yahay inuu saxeexo heshiis uu waqtiga ugu kordhinayo, taas oo ka dhigan inuu ka tegi doono xagaaga soo socda marka uu dhamaado xili ciyaareedkan socda.Kooxda reer France ayaa ku qasban inay iibiso Mbappe haddii uu ku adkaysto…
Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Kulanka Adag Ee Real Madrid
Garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka adag ee Champions League ee Real Madrid iyo Inter Milan ee ugu dambeeya wareegga hore ee hormooyinka ayaa la shaaciyey.Real Madrid oo hal dhibic kaliya sidata, labadii ciyaarood ee horena midna laga badiyey midna barbarro soo gashay ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay ku martigelin doontaa Inter Milan habeenka Salaasada ee toddobaadkan, waxaana Zinedine Zidane uu u dagaallami doonaa sidii uu guul u keeni lahaa, haddii kale, waxa halis geli doonta fursadda ay kooxdiisu ugu gudbi…
Waqtiyada Ay Soo Laabanayaan Thiago, Matip, Fabinho, Keita,
Liverpool ayaa rajaynaysa inay hesho qaar ka mid ah ciyaartoydeeda dhaawac ku maqan ka hor kulanka Champions League iyo Premier League ee usbuucan iyo toddobaadka dambe.Jurgen Klopp ayaa xal kale u helay khadkiisa difaaca kulankii West Ham, waxaanu ciyaarsiiyey Nat Phillips oo noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka. Reds ayaa guulo xidhiidh ah kasoo hoysay kulamadii Ajax, Sheffield United, FC Midtjylland iyo Midtjylland iyadoo ay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo muhiim ah oo maqnaanshahooda laga dareemayay…
Mason Mount Oo Magacaabay Booska Uu Jecel Yahay Inuu Ka
Xiddiga da’da yar ee khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Mason Mount ayaa magacaabay booskiisa dabiiciga ah ee uu jecel yahay inuu ka ciyaaro, isla markaana uu dareemayo inuu yahay kan uu ugu wanaagsan yahay.Mason Mount ayaa ka garab ciyaaray Kai Havertz iyo N’Golo Kante kulankii ay Sabtidii 3-0- ku khaarajiyeen Burnley, taas oo uu joogay dhexda hore, gaar ahaan No.8, halkaas oo uu bandhig fiican ka samaynayay.Inta badan waqtigiisa Chelsea, Mount waxa uu kusoo bilaabanayey dhexda hore isagoo qayb ka ah saddexda weerarka…
Ronaldo Nazario Waxa Uu Dhaliyey 88 Gool Oo Goolhayeyaasha
Halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario waxa uu dhaliyey 88 gool oo uu goolhayeyaasha dhulka seexiyey, isla markaana ay qaarkood daba rafteen, iyagoo isku dayayey inay badbaadiyeen kubadda goolkooda kusii socota.Ronaldo oo lagu tilmaamo mid ka mid ah weeraryahannadii ugu fiicnaa ee dunida soo maray, waxa uu ciyaaray 616 kulan oo heer kooxeed iyo qarankiisaba ah intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray, waxaanu dhaliyey 414 gool.Hibooyinka cajiibka ah ee uu lahaa Ronaldo ayaa waxay ahayd in aanu isku dhibin sidii uu kubadda…
Garsoore Khabiir Ah Oo Xukumay Haddii Uu Lionel Messi Kaadh
Garsoore hore Juan Andujar Oliver oo ah mid aad ugu khabiir ah arrimaha garsoorka kubadda cagta ayaa ka hadlay haddiiba kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu xalay mudnaa kaadh casaan ah kulankii ay booqdeen dhigooda Deportivo Alaves.Barcelona ayaan wax guul ah helin kulankii afraad ee xidhiidh ah horyaalka La Liga iyagoo haatan boos hoose kaga jira miiska kala sarreynta horyaalkaas isla markaana 8 dhibcood ka dambeeya Real Madrid oo hoggaanka haysa walow ay kulan baaqi ah haystaan.Kulankoodii ugu dambeeyay oo midkii…