Saddex Xiddig Oo Ka Dhaawacan Man United, Kabtan Maguire Iyo

Manchester United ayaa sugaysa kulanka ay usbuuc dhammaadka la ciyaarayso dhigeeda Tottenham ee ka tirsan horyaalka Premier League iyadoo ay jiraan xiddigo sababo dhaawac muran loo gelinayo ka qayb galkooda ciyaartaas.

Man United ayaa soo dhawayn doona Spurs oo uu hoggaaminayo tababarahoodii hore ee Jose Mourinho kaas oo ay hadalo xoogan dhawaan saxaafada isu marinayeen macalin Ole Gunnar Solskjaer.

Man United ayaa qaab isku dhafan kusoo bilaabatay xilli ciyaareedkan kaddib markii ay kulankoodii ugu horreeyay guuldarro kala soo kulmeen Crystal Palace oo soo booqatay.

Laakiin Red Devils ayaa kaga maydhay laba guulood oo Premier League iyo Carabao Cup kala ah oo ay Usbuucan ka gaadheen kooxda Brighton oo ay labada jeerba booqdeen.

Haddaba, saddex xiddig oo dhaawacooda ay warbixin kasoo saareen Red Devils kahor ciyaarta Tottenha ayaa kala ah kabtanka kooxdaas ee Harry Maguire, khadk dhexe ee Bruno Fernandes iyo da’yarka daafaca dhexe ee Axel Tuanzebe.

Tuanzebe oo 22 sano jir ah ayaa qaba dhaawac cagta ah waxaana la filayaa inuu tababarka buuxa ee Manchester kusoo laaban doono 17-ka bishan bilawga ah ee October.

Dhinaca kale Fernandes oo kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan Red Devils haddiiba uusan ahayn midka ugu muhiimsan wakhtigan ayaa qaba dhaawac bawdada ah waxaana la filayaa inuu kasoo gaadhi doono kulanka Tottenham walow uu shaki ku jiro.

Sidoo kale Maguire ayaa la kiis ah Fernandes waxaana uu qabaa jug kasoo gaadhay ciyaartii Brighton oo Sabtidii, Harry ayaa isna shaki ku jiraa balse la filayaa inuu Spurs diyaar u noqon doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More