Bayern Munich Kulan La Isku Rafaaday KU Garaacday Borussia

Joshua Kimmich ayaa dhaliyay goolka guusha xilli danbe iyadoo Bayern Munich ay ku guuleysatay koobkeediis shanaad ee sannadkan 2020 ka dib markii ay seefta mariyeen Borussia Dortmund oo ay ku garaaceen 3-2 finalka German Super Cup oo ka dhacay garoonka Allianz Arena.

Bayern Munich ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii ay kubad rogaalcelis ah qaadeen iyadoo Robert Lewandowski uu kubada u dhigay Corentin Tolisso oo shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 18aad.

Alphonso Davies oo ka ciyaaray garabka bidix ayaa qeyb ka qaatay goolka furitaanka, karoos qurux badan uu soo dhigay ayaa sidoo kale keentay goolkii labaad iyadoo uu ka faa’ideystay Thomas Muller kaasoo dabamariyay goolhaye Marvin Hitz.

Bayern ayaa u muuqatay mid koontarooleysa ciyaarta laakiin goolkii ugu horeysay ee uu Julian Brandt dhaliyo tan iyo bishii Janaayo ayaa gool u soo celiyay Borussia Dortmund lix daqiiqo ka hor waqtigii nasashada.

Bayern Munich ayaa ciyaarta ay ka dhuntay bilowgii qeybta labaad ka dib markii Thomas Meunier ka qasaariyay fursad weyn, Dortmund ayaa barbareysay ciyaarta daqiiqadii 55aad ka dib gool uu u dhaliyay Erling Haaland.

Haaland ayaa seegay fursad weyn oo uu Dortmund hogaan ugu dhiibi lahaa iyadoo uu ka beeniyay goolhaye Manuel Neuer oo sameeyay badbaadin weyn.

Waxay noqotay fursad ay ka qoomameysay Dortmund iyadoo Kimmich uu goolka guusha u dhaliyay Bayern Munich daqiiqadii 82aad taasoo koobka u gacan gelisay Bayern Munich.

Guushaan ayaa timid kaliya lix maalmood ka dib markii ay ku guuleysteen UEFA Super Cup halka ay Bayern Munich sidoo kale sannadkan 2020 ku guuleysatay Champions League, Bundesliga iyo German Cup.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More