Waa Kuwan LABADA Caqabadood Ee Xalkooda Laga Sugayo Arsenal

Kooxda ree London ee Arsenal ayay jiraan laba shaqo oo u yaala lagana sugayo inay xaliso haddiiba ay doonayso inay samayso saxeexa riyada u ah tababare Mikel Arteta ee Houssem Aouar oo kooxda ree France ee Lyon ka tirsan.

Arsenal ayaan u muuqan mid shan saxeex ku dhammaysan karta gudaha suuqan maadaama oo Aouar uu muhiimadooda koowaad noqday hadda oo ay isaga ka doorbidayaan Thomas Partey oo Atletico Madrid qayb ka ah.

Arsenal ayaa qaab wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ilaa ay guuldarro 3-1 ah Isniintii kala kulmeen kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool.

Gunners ayaa xilli hore maamulka Mikel Arteta ugu guuleysatay koobabka FA Cup iyo Community Sheild balse waxa ay u ogyihiin inay u baahan yihiin intan ay haystaan wax ka badan si horyaalka ugula tartami karaan kooxo ay ugu horreeyaan Reds iyo Man City.

Markii hore Partey ayaa u muuqday inuu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee Arsenal laakiin dhawaanahan ayay dareenkooda u jeediyeen dhinaca Houssem Aouar.

Xiddiga heer caalami ee ree France ayaa ahaa mid Lyon wacdarro kusoo dhigayay tan iyo markii uu kooxdaas ka tagay Nabil Fekir oo Real Betis u wareegay.

Gunners ayaa u baahan hal abuurnimada Houssem maadaama oo Mesut Ozil oo shaqadaas lahaa uu safka kooxda banaanka ka yahay una muuqdo mid aan mustaqbal ku lahayn.

Haddaba, labada caqabadood ee Gunners ka xiga saxeexa Aouar ayay mida koowaad tahay inay madaxweynaha Lyon ee Jean Michel Aulas kala hadlaan inuu dib ugu dhigo wakhtiga uu u qabtay ee Jimcaha berri ku beegan.

Caqabada labaad ee xalka uga baahan ayaa ah lacagta ay Lyon dalbanayso ee 45-ka Milyan ee Pound ah taas oo u muuqata inay ku adkaan doonto maadaama oo ay xilli horaba wax badan ka adeegsadeen lacagtii ay suuqa ugu talo galeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More