Weeraryahan Sheegay Inuu Ku Biirista Man United Doonayo,

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Khamiis ah:

Manchester United ayaa wadahadalo ay heshiis amaah ah ku doonayso Ousmane Dembele oo 23 sano jir ah la furtay kooxda Barcelona (Mirror)

Wakiilka weeraryahanka Real Madrid ee Luka Jovic oo 22 sano jir ah ayaa sheegay in xiddigiisu uu doonayo ku biirista Man United iyadoo ay AS Roma iyo Inter Milan sidoo kale adeegiisan doonayaan (Star)

Manchester City ayaa loo sheegay inay bixiyaan 23 Milyan oo Pound hadiiba ay doonayaa saxeexa daafaca bidix ee Ajax ee Tagliafico oo 28 sano jir ah. (Manchester Evening News)

Liverpool ayaa dalab 23 Milyan oo Pound ah ka aqbalaysa Sheffield United oo ka doonaysa weeraryahankeeda 20 sano jirka ah ee Rhian Brewster. (Sun)

Reds ayaa sidoo kale ka faa’idaya xiddigoodii hore ee Philippe Coutinho oo ay Barcelona 4.4 Milyan Pound kaga heli doonaan haddii uu 14 kulan oo kale u ciyaaro. (Mirror)

Manchester United ayaa iska fogaysay wararka la xidhiidhinaya 23 sano jirka kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles oo boosaska garbaha daafaca iyo khadka dhexeba ciyaari kara. (Manchester Evening News)

Daafacyada Chelsea ee Antonio Rudiger iyo Marcos Alonso iyo waliba khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek ayaa dhammaantood ka bixi kara Blues kahor xidhitaanka suuqa. (Star)

Arsenal ayaa wadahadalo amaah ah oo uu 20 sano jirka kooxdeeda ee Mateo Guendouzi ugu biirayo Marseille kooxdaas kula jirta. (Telefoot – in French)

Sidoo kale Gunners ayay kor u kacday rajadii ay ka qabeen saxeexa Houssem Aouar oo Lyon khadka dhexe uga ciyaara kaddib markii uu madaxweynaha kooxdaas ee Jean-Michel Aulas sheegay inay laba ciyaaryahan waayi karaan kahor xidhitaanka suuqa. (Metro)

Manchester United ayaa tixgelinaysa dalabkii ugu dambeeyay ee ay AS Roma kasoo gudbisay Chris Smalling oo ah 10.9 Milyan Pound oo lagu daray 2.7 Milyan Pound gunnooyin ah. (Mail)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More