Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay kadib markii duqeymo Ruushku ka geystay deegaanno ku yaalla gobolka Kyiv, oo ay ku jirto dhisme la deggan yahay oo qayb ahaan dumay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine, kuwaas oo ka digay in dhibbanayaal kale ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka.
Ruushka ayaa sii waday duqeymaha cirka ee habeenkii uu ka fuliyo Ukraine, isaga oo beegsanaya goobaha la deggan yahay, xilli dalkaasi uu isu diyaarinayo jiilaal kale oo hoos imanaya duullaanka ku dhowaad shanta sano socday.
Duqeyntii habeenkii ka dhacday Dymer, oo qiyaastii 45km waqooyi ka xigta Kyiv, ayaa haleeshay dhisme dabaqyo shan ah ka kooban.
Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay samatabbixiyeyaal dhex maraya burbur qiiqaya iyaga oo raadinaya dad badbaaday.
Shaqaale nadiifinaya burburka agagaarka dhisme la deggan yahay oo ay waxyeello ka soo gaartay duqeyn cirka ah oo Ruushku ka geystay Sloviansk
Hay’adda Adeegga Gurmadka Degdegga ah ayaa sheegtay in samatabbixiyayaashu raadinayaan 11 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, kuwaas oo aan lala xiriiri karin ama aan ka jawaabin wicitaannada.
Dmytro Lubinets, oo ah wakiilka xuquuqda aadanaha ee Ukraine, ayaa weerarka ku tilmaamay qayb ka mid ah “dagaalka xasuuqa ah ee Ruushku kula jiro Ukraine”.
“Dunidu waa inay joojisaa indhaha ka jeedinta,” ayuu ku qoray X.
“Cambareeya argagixisadan, Ruushkana la xisaabtama, tallaabana qaada hadda si loo joojiyo dilka dadka reer Ukraine ee aan waxba galabsan,” ayuu raaciyay.
Vyshneve, duqeyn kale oo Ruushku ka geystay ayaa haleeshay supermarket, waxaana ku dhintay laba qof, siddeed kalena waa ku dhaawacmeen, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Kyiv Tymur Tkachenko.
“Dadku waxay si fudud dukaanka ugu tageen inay raashin soo iibsadaan. Safar caadi ah oo wax lagu soo iibsanayay ayaa masiibo isu beddelay weerar Ruushku geystay awgiis,” ayuu yiri Tkachenko.
Wuxuu sheegay in qof kale uu dhintay kadib markii duqeyn ay dab ka dhalisay guri gaar loo leeyahay oo ku yaalla Bila Tserkva.
Ra’iisul Wasaaraha Ukraine Sergii Koretsky ayaa sheegay in Ruushku sidoo kale beegsaday xarun qaybisa korontada oo ku taalla gobolka Dnipropetrovsk.
Moscow ayaa xoojisay weerarradeeda ka dhanka ah kaabayaasha tamarta Ukraine iyadoo heerkulku hoos ugu sii dhacayo qabowga daran, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo awoodda dalka uu ugu adkaysan karo jiilaal kale oo adag.
Ololahan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray shabakadda korontada, iyadoo duqeymaha Ruushku sii kordhayaan xilli cimilada qabow ay ku baahday Ukraine.
Horaantii toddobaadkan, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballanqaaday jawaab “xanuun badan” oo ku aaddan duqeymo ay Ukraine ku qaaday buundada Crimea, taas oo astaan caan ah u ah xukunkiisa uu ku hayo gobolka la la wareegay.