Daadad ba’an oo ka dhacay xadka u dhexeeya Shiinaha iyo Nepal ayaa Nepal ku dilay ugu yaraan 1,252 qof, sida ay sheegtay hay’adda masiibooyinka ee dalkaas, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay in ay ka kor marto 1,270.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa hore u sheegtay in 21 qof ay ku dhinteen Tibet, taas oo tirada guud ee khasaaraha masiibadan oo billowday 26-kii Agoosto gaarsiisay 1,273.
- Advertisement -
Tirada dadka maqan ee Nepal ayaa ku sii negaatay 4,216, iyadoo kooxaha samatabbixintu ay sii wadeen dadaalladooda iyagoo ku jira xaalado degdeg ah.
Shiinaha ayaa sheegay 541 qof oo maqan, taas oo tirada guud ee dadka aan weli la hayn ee labada dal ka dhigtay 4,757.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ku dhowaad 75 Maraykan ah ay sidoo kale maqan yihiin.
Hay’adaha gurmadka ayaa qiimaynayay in xammaallo loo diro degmooyinka go’doonsan ee u dhow xadka Shiinaha si ay u geeyaan sahayda daruuriga ah
Magaalada Kathmandu, ehelada ajaanibta maqan ayaa baadhayay isbitaallada iyo goobaha meydadka lagu keydiyo, iyagoo si quus ah u raadinaya war kasta oo ku saabsan kuwa ay jecel yihiin.
“Waxaan dareemayaa quus, maalmo badan ayay noqotay,” ayuu yiri Sanjeev Rai oo 53 jir ah oo Maraykan ah, kaas oo u safray Nepal kaddib markii uu ogaaday in xaaskiisa aan la heli karin.
Daadadku waxay si xooggan u mareen degmooyinka buuraleyda ah, iyagoo burburiyay waddooyin, buundooyin iyo kaabayaal kale oo muhiim ah, taas oo hawlgallada gurmadka ka dhigtay kuwo aad uga sii adag.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan isticmaalka xammaallada si ay sahay ugu qaadaan deegaannada sida daran u saameysan ee u dhow xadka Shiinaha.
“Waxaan dowladda kala hadleynay sida sidoo kale loo adeegsan karo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha xamuulka qaada ee aan duuliyaha lahayn si gargaarka loo gaarsiiyo,” ayay Lila Pieters Yahia, isku-duwaha deggen ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Nepal, u sheegtay weriyeyaasha jooga Kathmandu.
“Waxa quruxda dalkiinna ka mid ah waa inaad leedihiin xammaallo. Sidaas darteed waa inaan dib ugu laabannaa sidoo kale hababkaas aadka u fudud si gargaarka loo gaarsiiyo sida ugu dhaqsaha badan,” ayay tiri Ms Pieters Yahia.
Xammaalladu muddo dheer waxay laf-dhabar u ahaayeen safarrada lugaynta buuraha iyo fuulista buuraha ee Nepal, iyagoo maalmo badan xambaara culaysyo waaweyn kuna socda dariiqyo dhaadheer oo adag iyo xaalado qalafsan.
Ciidamada Nepal iyo kooxaha samatabbixinta, oo ay taageerayaan khubaro ajnabi ah, ayaa sii waday raadinta dad ka badbaaday oo la rumeysan yahay inay ku xanniban yihiin gudaha dhowr tunnel oo laga dhaliyo tamarta biyaha.
Ciidanka ayaa sheegay in qodayaal iyo mashiinno culus oo kale loo adeegsanayo hawlgalka socda si tunnel-yada looga baaro cid kasta oo laga yaabo inay weli nooshahay.