Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Sabti Ah

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Sabti ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay iibiso dersan ka mid ah ciyaartoydeeda oo ay ku jiraan Tammy Abraham oo 23 jir ah iyo goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalga oo 26 jir ah, si lacagta ay ka hesho ay ugu soo iibsato weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo 27 ir ah. (ESPN)

Manchester City ayaa wada-hadallo la furtay xiddigeeda Raheem Sterling oo 26 jir ah, waxaanay doonaysaa in uu qandaraas cusub uu saxeexo. (Telegraph)

Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo 32 jir ah, ayaa heshiis laba sannadood ah la gaadhay Barcelona, iyadoo uu si xor ah uga  tegaya Man City oo uu heshiiskiisu ka dhamaaday.(Guardiola)

Difaaca Arsenal ee Saed Kolasinac oo 27 jir ah, ayaa xagaagan ka tegaya kooxdaas oo uu horeba ugaga maqnaa amaah, waxaana lala xidhiidhinayaa Schalke iyo Lazio. (Football.London)

Real Madrid ayaa la sheegay in ay heshiis la gaadhay weeraryahanka PSG ee Kylian MBappe oo 22 jir ah. (Marca)

Arsenal iyo Aston Villa waxay soo cusboonaysiiyeen xiisihii ay u hayeen 24 jirka khadka dhexe uga ciyaara Norwich City ee Emiliano Buendia oo qiimihiisa  lagu sheegay £35 milyan ilaa £40 milyan oo Gini. (Sky Sports)

Wolves ayaa wada-hadallo kula jirta tababarihii  hore ee Benfica ee Bruno Lage si uu ugu beddelo Nuno Espirito Santo oo kaddib kulanka Axadda ee Manchester United shaqada ka tegi doona. (Guardiola)

Tottenham waxay isku dayi doontaa in ay ka dhaadhiciso tababaraha Leicester City ee Brendan Rodgers oo 48 jir ah, in uu noqdo tababaraheeda cusub. Fursadda kaliya ee ay ku heli karayaan Rodgers ayaa ah in Leicester ay Spurs ka reebto Champions League marka ay Axadda ku kulmaan King Power Stadium. (Sun)

West Ham waxay doonaysaa in ay sii haysato Jesse Lingard oo ay amaah kaga soo qaadatay Manchester United. 28 jirkan ayaa wacdaro dhigay tan iyo bishii January oo uu amaah ku tegay West Ham. (Mail)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More