Waa Kuma Xiddiga Mustaqbalka Weyn Ku Lahaa Liverpool Ee
Da’yarka kooxda Liverpool ee Rhian Brewster ayaa lagu soo warramayaa inuu ka cadhaysan yahay kooxdiisa isla markaana uu doonayo inuu iskaga dhaqaajiyo gegida la filayay inuu mustaqbalka wanaagsan ku yeelan doono ee Anfield.
- Advertisement -
Rhian ayaa doonaya inuu u wareego oo uu xidhiidh la sameeyo kooxda Crystal Palace oo heshiis 20 Milyan oo Pound ah ku heli karta balse Liverpool ayaa la diyaar ah arrin kale oo caqabad ku noqonaysa heshiiska.
Liverpool qudheeda ayaa doonaysa inay iska iibiso Rhian Brewster kahor xidhitaanka suuqan iyadoo ay saxeexiisa isha ku hayaan kooxaha kala ah Sheffield United, Aston Villa iyo Swansea City.
Brewster ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore kusoo qaatay kooxda Swansea oo uu 10 gool ugu soo dhaliyay 20 kulan isaga oo kasoo caawiyay inay soo gaadhaan isreeb-reebka horyaalka Championship-ka ee heerka labaad.
Sida uu hadda sheegayo wargeyska The Sun, Brewster oo qayb ka ah xulka 21 sano jirada ka yar ee England ayaa doonaya inuu Roy Hodgson kula biiro Crystal Palace.
Brewster ayaa la sheegayaa in sababta uu Liverpool u doonayo inuu uga tagaa ay tahay inuu la yaabay in kooxdu ay doonayso inay iska iibiso walow uu mustaqbal fog ku yeelan karo.
Rhian ayaa xiisaynaya inuu ku laabto magaalada uu dhalasho ahaan kasoo jeedo ee London isla markaana uu Selhurst Park kala ciyaaro Eagles.
Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska suurogalka ah ayaa noqonaya 20 Milyan oo Pound oo lagu daray lacago gunnooyin ah balse caqabada heshiiskaas ayaa ah in Reds ay doonayaan inay ku daraan heshiiska qoddob u ogolaanaya inay mustaqbalka dib u iibsan karaan.