Talyaaniga Oo Ka Cadhaysan Garsooraha Ingiriiska Ah Ee Loo Doortay

Wargeyska ugu weyn Talyaaniga ee dhinaca ciyaaraha ee Corriere dello Sport ayaa daabacay qoraal cadho ka muuqato oo ku saabsan garsooraha dhexdhexaadinaya kulanka xulka qaranka dalkaasi la ciyaarayo Austria Sabtida habeen dambe, kaas oo loo doortay inuu qabto garsooraha Ingiriiska ah ee Anthony Taylor.

Corriere dello Sport ayaa sheegay in Talyaanigu aanay doonayn in Anthony Taylor uu garsoore ka noqdo ciyaartan, sababtuna waa mid qariib ah oo la xidhiidha Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga ee Mario Draghi oo uu garsoorahani ka aargoosanayo.

Mario Draghi ayaa hore uga dalbaday xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA in kulanka finalka laga soo wareejiyo London oo la keeno Rome, iyadoo uu ka digay halista Fayraska Korona ee ka jirta Ingiriiska oo uu tilmaamay inay faafayso, isla markaana ciyaartoyda iyo taageereyaashuba ku jiraan halis.

Anthony Taylor ayaa loo doortay kulanka xulalka Azrruri iyo Austria oo ka dhacaya garoonka Wembley Stadium Sabtida berri, waxaanu wargeysku usii sheegay taageereyaasha Talyaaniga, in haddaba ay deejignaanteeda lahaadaan oo ay la socdaan go’aamada garsooraha.

Corriere dello Sport waxa uu intaa ku daray in garsoore Taylor uu doonayo in Talyaanigu ka hadhaan tartanka qaramada Yurub, sababtuna ay tahay inuu ka aargoosanayo Ra’iisal Wasaare Mario Draghi oo hadalkii uu UEFA u sheegay uu saamayn ku yeeshay garsoorahan oo uu wali u cadhaysan yahay.

Qayb ka mid ah qoraalka wargeyska ayaa u dhignayd sidan: “Way iska caddahay in maadaama aynu nahay dadka ciyaaraha, in uu ina saaran yahay waajib ah inaynu rumaysano taas, xataa ganacsiga kubadda cagta, qiimeyaasha ugu sarreeya ee la dhawrayo iyo in aargoosiga iyo kaftannadu aanay qayb ka ahayn ficillada kuwa maamula kubadda cagta.

“Si kastaba, waxa aanu akhrinay subaxnimadii shalay, in ninka Ingiriiska ah ee Anthony Taylor loo qoondeeyey kulanka Austria, gariir ayaa dhacay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More