Saadaasha Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan –

Manchester Metropolis ayaa toddobaadkan u dabbaal-degi karta ku guuleysiga horyaalka Premier League markii saddexaad afar sannadood gudahood, waxaana kaliya ka xigta in ay ka badiyaan Chelsea oo ay Sabtida wada ciyaarayaan.

Labadan kooxood oo dhamaadka bishan foodda isku dari doona finalka Champions League, waxay maryo dhiigleh sii kala furan doonaan Sabtida, iyadoo Blues ay dhimasho ka xigto in Manchester Metropolis ay ku dabbaal-degto dhibco ay iyaga ka qaadatay.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports activities ee Mark Lawrenson oo kulamada toddobaadkan saadaaliyey sidii uu horeba u samayn jiray ayaa waxa uu dhinaca saaray tababare Pep Guardiola oo kooxdiisu ay ku ciyaarayso Etihad Stadium, hase yeeshee Thomas Tuchel oo isaguna qaab ciyaareed wanaagsan kusoo dabbaalay Chelsea intii uu joogay ayaa laga jabin doonaa rikoodh fiican oo uu samaynayay.

Mark Lawrenson waxa uu kulankan ku saadaaliyey in 2-0 ay guushu ku raaci doonto Manchester Metropolis oo horyaalkana u dabbaal-degi doonta, taas oo ka dhigan in difaacii wanaagsanaa ee Blues ay kala daadan doonaan.

Liverpool ayaa iyaduna ciyaar adag waxay garoonkeeda Anfield kula yeelan doontaa Southampton oo gool madi ah kaga adkaatay horraantii xilli ciyaareedkan. Tababare Klopp ayay kooxdiisu ku badin doontaa 2-0.

Tottenham ayaa iyaduna la ciyaari doonta Leeds United oo ay ugu tegayso Tottenham Hotspur, halka Manchester United ay u tegayso Aston Villa.

Spurs iyo Pink Devils ayuu Mark Lawrenson u saadaaliyey guulo, sidaas oo kalena Arsenal oo rajo la’aan ah xilli ciyaareedkan ayaa saddex dhibcood ka heli doonta West Brom.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada toddobaadkan oo dhamaystiran:

Jimce

Leicester Metropolis 3-0 Newcastle

Sabti

Leeds United 0-2 Tottenham

Sheffield United 0-1 Crystal Palace

Manchester Metropolis 2-0 Chelsea

Liverpool 2-0 Southampton

Axad

Wolves 0-2 Brighton

Aston Villa 0-2 Manchester United

West Ham 2-0 Everton

Arsenal 2-0 West Brom

Isniin

Fulham 0-2 Burnley

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More