Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaaryahanadda Kooxdiisa Ee

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Mariano Diaz ayaa muddo dheer kaddib kusoo laabtay ciyaartoyda Real Madrid, waxaana lagu soo daray liiska xiddigaha uu Zidane u xushay kulanka Sabtida ee Huesca.

Weeraryahankan ayay u tahay markii ugu horreysay ee Zidane uu kusoo daro kooxdiisa xili ciyaareedkan, waxaase uu tababaraha reer France awoodi waayey inuu u yeedho xiddigaha dhaawaca ah sida Martin Odegaard, Alvaro Odriozola, Dani Carvajal iyo Nacho Fernandes.

Labada ciyaartoy ee Odegaard iyo Odriozola ayaa la filayaa inay taam noqon doonaan marka laga soo laabto fasaxa kulamada caalamiga ah ee bisha November.

Zidane ayaa liiska kooxdiisa kusoo daray Sergio Santos oo ka tirsan kooxda da’yarta ee Castilla ee uu gacanta ku hayo Raul Gonzalez, waxaana uu ka ciyaari doonaa difaaca midig oo kasoo horreyn doono ama kaabe u noqon doono Lucas Vazquez maadaama ay dhaawac yihiin Carvajal iyo Odriozola.

Real Madrid ayaa garoonkeeda Estadio Alfredo Di Stefano kusoo laabanaysa kulankan kaddib markii ay 3-1 kusoo garaaceen Barcelona toddobaadkii hore, ayna uga dambaysay safar ay ku tageen Germany oo ay barbarro 2-2 ah lasoo galeen Borussia Monchengladbach.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Huesca oo dhamaystiran:

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy, Sergio Santos.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

How do you rate this story?

0 votes