“Fursadihii Ugu Fiicnaa Ayaan Siiyey, Samir Ayaan U

Mikel Arteta ayaa weerar kale ku qaaday Mesut Ozil oo uu ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee tartamada Europa League iyo Premier League ee xili ciyaareedkan.

32 jirka khadka dhexe ee ah laacibka ugu mushaharka badan Arsenal ayaa garoonka tababarka iyo gurigiisa ku qaata lacag xad-dhaaf ah iyadoo aanu ku jirin liiska xiddigaha Gunners u ciyaaraya fasal ciyaareedkan, waxaanay taasi ku timid go’aan uu Mikel Arteta kaga saaray safka  kooxdiisa.

25ka ciyaartoy ee tartanka Premier League ee horraantii toddobaadkan loo gudbiyey maamulka Premier League ayuu Ozil iska dhex waayey, iyadoo aanu horena ugu jirin liiskii loo gudbiyey UEFA ee tartanka Europa League.

Mikel Arteta ayaa lagu canaantay go’aanka uu Ozil uga reebay kooxdiisa, waxaana uu dhawr jeer  la yimid doodo uu isku difaacayo.

Waraysi uu siiyey Sky Sports ayaa uu mar kale Arteta maanta kaga hadlay xaaladda Ozil iyo duruufihii ku kallifay inuu qaato go’aankii uu kaga saaray kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Waxa aan idiin sheegi karaa inaan sidii ugu wanaagsanayd iskugu dayay inaan siiyo fursadihii ugu badnaa ee aan karayay.

“Aniga ayaa dhinacayga ka bilaabay taas, waxaan u muujiyey dulqaad, waxa aan siiyey fursado iyo inaan caddaalad u sameeyo.”

Mikel Arteta waxa uu sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey go’aan qaadashadiisii iyo jidkii uu u maray, waxaanu yidhi: “Isagu waa ciyaartoy ay iska leedahay koox kubadda cagta ah oo dhab ahaantii uu ciyaartoy muhiim ah kasoo ahaa sannadihii ugu dambeeyey. Waa inaan xushmeeyo taas, balse waxaan halkan u joogaa inaan go’aamo sameeyo, go’aamada u wanaagsan kooxda iyo naadigaba.

“Tan ayaa ah waxa aan isku dayo inaan sameeyo, kaddibna waa inaan u sharraxo iyaga (maamulka) sababtoo ah dadku waxay u baahan yihiin sababaha iyo jawaabaha saxda ah. Anigu waan siiyey (jawaabahayga), haddii ay i rumaysanayaan iyo haddii ay igaga soo horjeedsanayaan ba, taasna waxba kama qaban karayo.

“Laakiin waa inaan go’aamadayda gaadho, anigoo qalbigayga iyo maskaxdaydaba ka qaadanaya go’aamada saxda ee aan rumaysanahay inay fiican yihiin.”

Ozil ayaa hore weerar ugu qaaday Arteta markii laga reebay liiska ciyaartoyda kooxda ee tartamada horyaalka iyo Europa League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More