Ole Gunnar Solskjaer Oo Lagula Taliyey In Kulanka Arsenal Uu

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagula taliyey inuu kaydka geliyo weeraryahanka kooxdiisa ee  Marcus Rashford, isla markaana aanu kusoo bilaabin kulamada horyaalka iyo Champions League.

Marcus Rashford ayaa  wacdaro ka dhigay kulankii Champions League ee RB Leipzig oo uu dhaliyey saddexlay isagoo 27 daqiiqadood oo kaliya garoonka ku jiray, waxaana uga horreysay inuu ahaa laacibkii guusha ku hoggaamiyey kooxdiisa markii ay safarka ugu tagtay PSG usbuucii kasii horreeyey oo ay 2-1 kusoo badisay.

Laakiin khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa rumaysan in Solskjaer ay u fiican tahay inuu beddel kusoo geliyo Marcus Rashfrod halkii uu ciyaarta kusoo bilaaban lahaa, taas oo uu xusay inuu kaga waxqabad badan yahay marka uu ciyaarta bilowgeeda yimaaddo.

Kulanka Arsenal ee Axadda ay Manchester United kusoo dhoweyn doonto garoonka Old Trafford, ayuu Merson xusay in difaaca Gunners ay yihiin kuwo tayadoodu yar tahay oo uu dili karayo haddii uu beddel kusoo galo, balse caadiyan uu laacibkani yahay mid shaqo badan qabta marka uu xilli dambe yimaaddo.

Waxa uu tusaale usoo qaadya kulankii RB Leipzig ee uu saddexlayda dhaliyey, kulankii Luton Town ee  uu xilliga dambe soo galay ee uu daqiiqaddii 88aad kooxdiisa guusha siiyey iyo ciyaartii Brighton oo uu mar kale isaga oo beddel ku yimid shabaqa soo taabtay.

“Arsenal waxay noqon doontaa ciyaar adag. Haddii 0-0 ay ahaato illaa daqiiqadda 60aad oo uu Rashford soo gelo marka ay difaaca Gunners daalaan, waxay noqon kartaa maalintiisii.” Ayuu yidhi Paul Merson.

Khabiirka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in xilli ciyaareedka oo dhan uu Rashford ahaado mid beddel ku yimaadda oo aan safka hore kusoo bilaaban, waxaanu yidhi: “Qalad ha ii fahmina. Marcus Rashford wuxuu aad ugu wanaagsan yahay in xilli ciyaareedka oo dhan uu beddel kusoo galo.”

Paul Merson oo qormo dheer ku daabacay wargeyska Daily Star, waxa uu ku dooday in isbeddelka uu sameeyo Rashford aanay ciyaartoyda kale ee Solskjaer haysto aanay ku samayn karin ciyaarta, sidaas darteedna ay tahay inuu beddel ku yimaaddo, waxaanu yidhi: “Inta kale ee  ciyaartoyda United isbeddel kuma keeni karaan ciyaarta Solskhjaer. Laakiin Rashford wuu karaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More