Pep Guardiola Iyo Jurgen Klopp Oo Ku Biiray DAGAAL Ka Dhan

Tababareyaasha kooxaha Manchester City iyo Liverpool ee Pep Guardiola Iyo Jurgen Klopp ayaa ku biiray xoogag cadaadis saaraya maamulka Premier League oo ka doonaya inay ilaaliyaan ciyaartoyda, xilli sanka la isku geliyey kulamo cidhiidhi ah oo aanu waqti badan u dhaxaynin.

Premier League ayaa lagu cadaadinayaa inuu horumar ka sameeyo daryeelka ciyaartoyda, isla markaana aan meesha laga saarin sharcigii cusbaa ee kooxaha u ogolaanayay inay shan beddel sameeyaan.

Guardiola iyo Klopp ayaa Jimcihii shalay waxay ku biireen tababareyaal hore ugu doodayay in tirada beddelka ciyaartoydu ay ahaadaan shan oo aan lagu soo celinin saddex, taas oo kusoo beegantay xilli ay labadooda kooxood ruxeen dhaawacyo sidoo kalena ay la qabaan naadiyada kale ee Premier League.

Kooxaha ayaa hore loogu ogolaaday inay shan beddel sameeyaan markii dib loo bilaabay xili ciyaareedkii hore ee uu hakadka geliyey Korona Fayraska, balse waxay haddana dareensan yihiin in loo baahan yahay in isbeddel kale yimaaddo maadaama xili ciyaareedkan uu ka duwan yahay kuwii hore oo waqti dambe uu bilaabmay, isla markaana ugu yaraan laba jeer ay koox waliba ciyaarayso.

Waxa kale oo walaac ku haya kooxaha, in kulamada caalamiga ah ay dhex socdaan oo aanay wax firaaqo ah helaynin ciyaaryahannadu, taasina ku keenayso daal badan iyo dhaawacyo.

IFAB oo ah guddida dejisa sharciyada Kubadda cagta ayaa  xaqiijiyey in aanay meesha ka saari doonin in isbeddel la sameeyo badhtamaha xili ciyaareedka, balse marka hore ay tahay inay ka arrinsadaan Premier League iyo saamiileyda (kooxaha) oo ay ka shiraan.

Pep Guardiola oo ka hadlayay sababta ay Premier League uga doonayaan inuu sii jiro sharciga shanta beddel ayaa yidhi: “Waxa uu ilaalinayay dhamaan ciyaartoyda Premier League, tirooyinkuna iyaga ayaa iskood u hadlaya. Illaa 50 boqolkiiba ama ka badan ayuu ciyaartoyda dhaawac muruqa ahi soo gaadhay xili ciyaareedkii hore.

“Sababtu maxay ahayd? sababtu waxay tahay, in loo baahan yahay in ciyaartoydu ay dheelaan oo ay kasoo kabtaan ciyaartii hore laakiin laga yaabo in aanay sidaa ahayn xili ciyaareedkii hore.

“Tababareyaasha ama ururka ciyaartoyda ayay tahay inay go’aamiyaan haddii la samaynayo saddex ama shan beddel. Maxay dunida oo dhan uga dhacaysaa (shan beddel) laakiin aanay halkan uga jirin, iyadoo xili ciyaareed adag lagu jiro. Ma ilaalin karayno ciyaardoydayada.”

Klopp oo isaguna ka hadlay ayaa yidhi: “Suurtogal ilama aha in isbeddel dhacayo, sababtoo ah nidaamka. Way caddahay in aanu ku caawinayn marka Chelsea ay dhaawacyo haysato, City iyo Liverpool iyo United iyo Tottenham iyo Arsenal iyo Leicester, sababtoo ah ma haystaan codad ku filan inta kale. Taas ayaa ah nidaamka. Kooxaha waaweyn ee toddobada ahi faa’iido gaar ah ma doonayaan, balse waxaanu ognahay jadwalkayaga iyo inuu aad u adag yahay.”

Sababta kooxaha waaweyn ay gaarka ugu cabanayaan ayaa waxay tahay inay iyagu ciyaarayaan kulamada Yurub sida Champions League iyo Europa League oo ay ka culays badan yihiin kooxaha yaryar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More