Labada Shaxdood Ee Xooggan Ee Manchester United Kula Ciyaari

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doonta Arsenal galabnimada Axadda, taas oo ay isku diyaarintiisa bilaabeen guulihii ay Champions League iyo Europa League kasoo hooyeen kaddib.

Manchester United ayaa guul raaxo leh kasoo gaadhay RB Leipzig oo ay kusoo karbaashtay 5-0 iyadoo uu saddexlay dhaliyey Marcus Rashford oo beddel kusoo galay, halka Arsenal ay durduro kusoo dhaaftay kooxda yar ee Dundalk oo ay 3-0 kusoo garaacday.

Marcus Rashford ayaa hoggaamin doona safka Manchester United marka ay Gunners kusoo dhoweeyaan Old Trafford, iyadoo uu tababare Solskjaer hore ugu sii nasiyey ciyaartan, waxaanay afka hore ee gool-dhalinta isku kaashan doonaan Mason Greenwood.

Anthony Martial ayaa kusii jiri doona ganaaxii saddexda kulan ahaa ee uu ku mutaystay casaankii uu qaatay ciyaartii Tottenham.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in qaabka uu garoonka kusoo geli doono uu noqon doono 3-4-1-2 oo uu awoodda saari doono khadka dhexe oo qaab weerar u shaqayn doona si ay culays u saaraan difaaca Liverpool ee daalaa-dhacaya.

David de Gea ayaanu Dean Henderson awoodi doonin inuu fursad ka helo oo uu ciyaartan ka riixdo biraha dhexdooda haddii aanay imanin xaalado degdeg ah oo xanuun ama dhaawac ugu horreeyaan oo goolhayaha reer Spain uu kulanka ku seego.

Axel Tuanzebe oo kaydka ku jiray labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laakiin la xasuusan yahay saamayntii uu ku lahaa kulankii Paris Saint-Germain horraantii bishan ayaa la filayaa inuu difaaca kusoo labato oo uu ka mid noqdo saddexda dambe ee uu Solskjaer kusoo bilaabo, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigan inuu Victor Lindelof iyo Harry Maguire garabkooda istaago.

Saxeexa cusub ee Alex Telles ayaa ku maqan Korona Fayras, waxaanay taasi damaanad-qaad u tahay Luke Shaw oo kusoo bilaaban doona difaaca bidix balse khadka dhexe caawin doona, halka Aaron Wan-Bissaka uu yahay doorashada kaliya ee uu haysto Solskjaer.

Fred iyo McTominay ayaa ka dambaynaya Bruno Fernandes oo isagu ku dhowaanaya labada weeraryahan ee Marcus Rashford iyo Mason Greenwood.

Solskjaer ayaa haysta kala doorashooyin badan iyo ciyaartoyda kooxdiisa oo intooda badan taam ah, waxaana ku riixaya oo boosas joogto ah ka doonaya Nemanja Matic, Paul Pogba iyo Donny van de Beek oo ugu yaraan doonaya inay kulanka Arsenal kusoo bilowday kaddib ciyaartii fiicnayd ee ay soo bandhigeen kulankii RB Leipzig.

Haddii uu qaato go’aan uu ciyaarta ugu soo bilaabayo saddexdan ciyaartoy, waxa Solskjaer isbeddel weyni ku dhacayaa qaabka ay shaxda sare ku dhisan tahay oo ah 4-2-3-1, balse jamaahiirta kooxda ayaa hore usii doortay shaxda ugu fiican, sidii aanu hore u baahinay.

Shaxda koowaad:

Shaxda labaad:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More