Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa jawaabtii ugu dambaysay oo ah tii afraad ka helay shaybaadhka lagu hubinayo caafimaadkiisa kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras.
Ronaldo ayaa laga joojiyey inuu Juventus u ciyaaro kulankii Barcelona ee Arbacadii ee 2-0 lagu garaacay kooxdiisa, markaas oo baadhitaan lagu sameeyey lagu xaqiijiyey in aanu wali taam ka noqonin xanuunka oo hayey muddo laba toddobaad ah.
Sida ay Juventus xaqiijisay, shaybaadh kale oo Jimcihii maanta laga qaaday Ronaldo ayaa waxa uu soo saaray jawaab farxad leh oo ku saabsan xaaladda laacibkan, kaas oo muujiyey inuu badqab ka yahay xanuunka oo uu ka bogsaday.
War-saxaafadeed ay Juventus soo saartay ayay ku tidhi: “Cristiano Ronaldo ayaa lagu sameeyey hubin caafimaad oo lagaga baadhay Covid-19, waxaana natiijada shaybaadhku ay noqotay inuu ka bogsaday. Sidaa darteed, waxa uu kasoo kabtay xanuunkan 19 maalmood kaddib, intaa kaddibna kuma sii jiri doono go’doonkii guriga.”
Ronaldo ayaa hadda fasax u ah inuu ciyaaro kulanka Axadda ay kooxdiisa Juve kula ballansan tahay Spezia, kaddib afar ciyaarood oo uu ka maqnaa naadigiisa.
35 jirkan ayaa xanuunka laga helay October 13 xilli uu xulka qaranka Portugal isku diyaarinayay ciyaaar ka tirsanayd UEFA Nations League oo ay Sweden ku garaaceen 3-0, taas oo laga joojiyey inuu ciyaaro maalin ka hor waqtigii ciyaarta.
Kulamadii horyaalka Serie A ee ay Juventus barbarraha la gashay Crotone iyo Verana iyo labadii ciyaarood ee Champions League ee Dynamo Kiev oo Juventus ay 2-0 ku badisay iyo Barcelona oo 2-0 ku garaacday ayaa uu ka maqnaa.