Mason Mount Oo Magacaabay Booska Uu Jecel Yahay Inuu Ka
Xiddiga da’da yar ee khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Mason Mount ayaa magacaabay booskiisa dabiiciga ah ee uu jecel yahay inuu ka ciyaaro, isla markaana uu dareemayo inuu yahay kan uu ugu wanaagsan yahay.
Mason Mount ayaa ka garab ciyaaray Kai Havertz iyo N’Golo Kante kulankii ay Sabtidii 3-0- ku khaarajiyeen Burnley, taas oo uu joogay dhexda hore, gaar ahaan No.8, halkaas oo uu bandhig fiican ka samaynayay.
Inta badan waqtigiisa Chelsea, Mount waxa uu kusoo bilaabanayey dhexda hore isagoo qayb ka ah saddexda weerarka amaba caawiye uga noqonaya dhexda, laakiin waxa uu dareensan yahay in boosaskaas iyo kuwa dhexda dambe aanay midina ahayn kuwa ku habboon qaab ciyaareedkiisa saxda ah.
Laacibkan oo farriin dadban u dirayay Lampard ayaa tibaaxya in booskiisa ugu fiican ee uu jecel yahay uu yahay dhexda hore, waxaanu yidhi: “Anigu waxaan ahay No.8 iyo khadka dhexe. Halkaas ayaan ka ciyaarayay xirfaddayda oo dhan, sidaa darteed, dabiici ayay ii tahay inaan booskaa ka ciyaaro, waxaanan ogahay inaan xoogaa ka yara baxsanaa xili ciyaareedkan laakiin waan jecelahay ka ciyaarista khadka dhexe.”
Mason Mount ayaa la weydiiyey sida ay ahayd ciyaartii Burnley ee uu ka ciyaaray booska uu jecel yahay, waxaanu yidhi: “Waa booskayga iyo halka ay ciyaartoydu kusoo baxdo, laacibiinta garbuhuna way wanaagsanaayeen.”
Chelsea oo aan wax gool ah laga dhalinin afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo uu shabaqoodu nadiif ahaa, waxay Arbacada toddobaadkan marti gelin doonaan Rennes oo ay ku ballansan yihiin tartanka Champions League.
Marka ay ciyaartaas kasoo dhamaadaan, waxay foodda gelin doonaan Sheffield United oo ay ugu tegayaan Bramall Lane, halkaas oo ay uga baahan yihiin guul kale si ay ugu sii socdaan kaalmaha hore ee ay dib uga dhaceen bilowgii.