Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali Pirates Briefly Seize Vessel in the Gulf of Aden
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Qiimeynta Ciyaaryahanadda Kulankii Ay Arsenal Garaacday Man

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Manchester United waxay ku jirtaa xilli  ciyaareedkan jawi qasan, maalmo ka hor waxay Old Trafford ku xaaqeen kooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga, haatana waxaa gurigooda ku soo gaartay guuldaradii seddexaad ee afar kulan oo ay Old Trafford ku ciyaareen.

Waxaa si xun u fashilantay shax ciyaareedka dheemanka khadka dhexe ee Solskjaer uu kaga badiyay RB Leipzig bartamihii isbuucii hore iyadoo Arsenal ay ka faa’ideysatay shax ciyaareedkaas islamarkaana 14 sannadood ka dib ay Old Trafford ku badisay kulan horyaalka ah.

XIDDIGA GAROONKA – Gabriel (Arsenal)

Musiibo ayuu qarka u fuulay markii uu dhulka dhigay Mason Greenwood isagoo jaale qaba, laakiin taasi ma qarineyso qaab ciyaareedkii wacdaraha lahaa ee uu Gabriel soo bandhigay maanta isagoo ahaa hogaamiyaha seddexda daafac danbe ee Gunners.

Wuxuu sameeyay taakalo muhiim u ahaa oo celiyay halis walba oo ku socotay goolhaye Leno isagoo ku dadaalay in kooxdiisa ay shabaqa ilaashato, waana xiddigii ka maqnaa daafaca Arsenal ee uu Arteta u baahnaa.

XIDDIGAHA FASHILMAY

Seddexda xiddig ee khadka dhexe ee Man United ayaa ahaa kuwii ugu liitay garoonka iyagoo u ogolaaday Thomas Partey inuu khadka dhexe iska maamusho. Scott McTominay iyo Fred waa ay neefsan waayeen halka Paul Pogba uu keenay rigooradii looga badiyay Man United isagoo markii hore ka daahay inuu raacdo Bellerin markii danbena cagta uga istaagay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Manchester United: De Gea 6; Wan-Bissaka 6, Lindelof 6, Maguire 6, Shaw 5; McTominay 6, Fred 5, Pogba 5, Fernandes 6; Greenwood 6, Rashford 6

Bedel: Matic 6, Van de Beek 6, Cavani 5

Arsenal: Leno 6; Holding 6, Gabriel 8, Tierney 7; Bellerin 6, Partey 7, Elneny 7, Saka 6; Willian 6, Lacazette 6, Aubameyang 7

Bedel: Mustafi 6, Maitland-Niles 6, Nketiah 6

How do you rate this story?

0 votes