Liverpool Oo Loo Xaqiijiyay Inay Hogaanka Premier League Sii

Everton ayaa kulankii labaad ee horyaalka Premier League oo isku xiga laga badiyay iyagoo si rasmi ah hogaanka horyaalka ugu wareejiyay kooxda Liverpool oo todobaadkan ku dhameysaneysa iyagoo hogaanka u haya horyaalka.

Everton ayaa fursad u heysatay inay kaalinta koowaad ku soo noqoto madaama ay farqiga goolasha ka fiican yihiin deriskooda Liverpool laakiin guuldarro 2-1 ayaa ka soo gaartay kooxda Newcastle oo marti loogu ahaa St James Park.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid lagu caajisay laakiin qeybtii labaad ayay seddexda goolba dhasheen iyadoo Callum Wilson uu rigoore hogaanka ugu dhiibay daqiiqadii 26aad ka hor inta uusan gool labaad u saxiixin daqiiqadii 84aad ka hor inta uusan Everton gool sabarsiin ah u saxiixin kooxda Calvert-Lewin.

Waxay aheyd ciyaar diirada lagu hayay kooxda Everton oo xiddiga badan ay ka maqnaayeen iyo sida ay uga jawaab celin doonaan maqnaanshaha Seamus Coleman, Lucas Digne, Richarlison iyo James Rodriguez laakiin waa ay awoodi waayeen inay buuxiyaan boosaskaas iyagoo ay soo gaartay guuldaradii labaad oo isku xiga.

Natiijadaana ayaa ka dhigan in kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool ay hogaanka ku heyso 16 dhibcood ka dib todoba kulan oo la ciyaaray, waxay seddex dhibcood ka sareeyaan Everton oo kaalinta labaad ku jirta kuwaasoo leh 13 dhibcood.

Waxaa iyagana 13 dhibcood Southampton oo maanta 4-3 ku soo garaacday Aston Villa iyo kooxda kaalinta afaraad ee Wolves oo iyagana guul ka soo gaaray isbuucaan Crystal Palace.

Liecester City oo habeen danbe la ciyaareysa Leed United ayaa fursad u heysata inay soo gasho kaalinta labaad haddii ay badiyaan iyagoo heli doona 15 dhibcood, halka Tottenham haddii ay caawa ka badiyeen Brighton ay si ku meel gaar ah u soo geli doonaan kaalinta labaad iyagoo lahaan doona 14 dhibcood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More