Waqtiyada Ay Soo Laabanayaan Thiago, Matip, Fabinho, Keita,

Liverpool ayaa rajaynaysa inay hesho qaar ka mid ah ciyaartoydeeda dhaawac ku maqan ka hor kulanka Champions League iyo Premier League ee usbuucan iyo toddobaadka dambe.

Jurgen Klopp ayaa xal kale u helay khadkiisa difaaca kulankii West Ham, waxaanu ciyaarsiiyey Nat Phillips oo noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka.

 

Reds ayaa guulo xidhiidh ah kasoo hoysay kulamadii Ajax, Sheffield United, FC Midtjylland iyo Midtjylland iyadoo ay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo muhiim ah oo maqnaanshahooda laga dareemayay garoonka.

Wargeyska Liverpool Echo ayaa soo gudbiyey xogtii ugu dambaysay ee dhaawacyada Liverpool iyo xilliyada ay suurtogalka tahay inay soo laabtaan.

Fabinho

Waa laacibkii ugu dambeeyey ee ka dhaawacmay Liverpool, waxaanu wax ku noqday ciyaartii Midtjylland oo garoonka uu uga baxay dhaawac muruqa ah. Baadhitaano lagu sameeyey ayaa waxay muujiyeen in aanu soo laaban doonin illaa inta laga soo noqonayo kulamada caalamiga ah ee ay toddobaad kaddib geli doonaan horyaalladu.

Virgil van Dijk

Laacibka ay ugu dhibaatada badan yihiin dhaawaciisa waxa uu garoomada ka maqnaan doontaa xili ciyaareedka oo dhan, lamana sugayo inuu soo laabto illaa inta laga gaadhayo bilowga xili ciyaareedka dambe.

Thiago Alcantara

Laacibka khadka dhexe ee Thiago Alcantara ayaa ku maqan dhaawac uu u geystay weeraryahanka Everton ee Richarlison oo isaguna casaan ku qaatay.

Xiddigan ayaa tababarka kooxdiisa kusoo laabtay usbuucii hore ka hor kulankii Midtjylland iyadoo lagu sawiray isaga oo ciyaartoyda kale tababarka la qaadanaya, balse waxa uu haddana seegay kulankii West Ham.

Thiago Alcantara ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo safka Liverpool kulanka Champions League ee Atalanta.

Naby Keita

Kubbad-sameeyahan ayaa dhaawac aanay kooxdiisu sharrixin ku maqan, waxaana Klopp oo ka hadlay uu sheegay inay hubin doonaan caafimaadkiisa, waxaase la filayaa inuu taam u noqonayo kulanka Atalanta ee Champions League.

Joel Matip

90kii daqiiqadood ee ciyaartii Merseyside derby ayuu dhamaystay, kaddibna dib looguma arag garoomada. Laacibka reer Cameroon ayaa afar ciyaarood seegay, waxaase la sheegayaa inuu taam u noqonayo kulanka Atalanta amaba ka ka dambeeya ee Manchester City ee toddobaadka dambe ka hor inta aan loo bixin kulamada caalamiga ah.

Alex Oxlade-Chamberlain

27 jirkan ayaanay jirin waqti cayiman oo la ogyahay inuu kusoo laaban doono garoomada, waxaanu wali la halgamayaa sidii uu uga soo bogsan lahaa dhaawac muruqa ah.

Kostas Tsimikas

Difaacan bidix ee ay Liverpool la soo saxeexatay xagaagii ayaa qaba dhaawac muruqa ah, waxaana la filayaa inuu taam noqdo marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More