Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs PSG – Solskjaer Oo Shax

Iska horimaanka Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa noqonaya mid abuuraya xafiiltan cusub oo u dhaxeeya labada kooxood.United ayaa dooneysa inay sii dheereysato hogaankeeda Group H iyagoo ogsoon in guul ay gaaraan ay u xaqiijin doonto inay u soo gudbaan wareega 16ka Champions League.Kooxda Ole Gunnar Solskjaer waxay leeyihiin 9 dhibcood iyagoo seddex dhibcood ka sareeya PSG, United ayaa xitaa ku soo baxda barbaro haddii Leipzig ay guuldarro ka soo gaarto kulanka ay haatan la ciyaareyso Istanbul Basaksehir.Tababare…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulamada Sevilla vs Chelsea,

SHAXDA RASMIGA AH EE FERENCVAROS VS BARCELONA:Ferencvaros: Weli ma soo bixinBarcelona: Neto, Dest, Mingueza, Lenglet, Alba Busquets, Pjanic Trincao, Griezmann, Dembele BraithwaiteSHAXDA RASMIGA EE SEVILLA VS CHELSEAChelsea: Mendy; Azpilicueta, Rudiger, Christensen, Emerson; Havertz, Jorginho, Kovacic; Pulisic, Giroud, Hudson-OdoSevilla: Sevilla:  Vaclik, Navas, Gomez, Carlos, Rekik, Rakitic, Gudelj, Rodriguez, Vazquez, En-Neayri, Idrissi.SHAXDA RASMIGA AH BORUSSIA DORTMUND VS LAZIOBorussia Dortmund: Burki; Morey, Akanji, …

Man City Oo Jawaabtay Kulul Ka Bixisay Weerarkii Qaawanaa Ee

Manchester City ayaa dib isaga weerartay FC Porto islamarkaana ku hanjabtay inay cabasho rasmi ah u gudbin doonto UEFA ka dib markii ay kooxda reer Portugal weerar qaawan ku qaaday xiddigaha Man City markii ay soo dhamaatay ciyaartii Champions League ee xalay.FC Porto ayaa warbixin ay maanta soo saartay oo lagu daabacay wargeyska Portugal ee A Bola waxaa lagu weeraray ciyaartoyda Man City ee Fernandinho iyo Bernando Silva halka sidoo kale lagu wareerary Man City koox ahaan iyo tababare Pep Guardiola.Porto ayaa ku tilmaamtay…

Qolka Labiska Real Madrid Oo Ku Kala Qeybsan Waxa Laga

Dhowr ciyaartoy oo ka tirsan Real Madrid ayaa aaminsan in natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka kooxda uu horumar sameyn lahaa haddii tabaraha haatan Zinedine Zidane la bedeli lahaa, sida ay sheegtay Cadena Cope.Ka dib guuldaradii xalay ka soo gaartay Real Madrid kooxda Shakhtar Donetsk ee Champions League, waxaa soo baxay in dhowr ciyaaryahan oo boos joogta ah ka heysta kooxda inay aaminsan yihiin in tababare bedel ay faa’ido u noqon karto kooxda.Isla warbixinta Cadena Cope ayaa lagu sheegay in Zidane uusan halis degdeg ah ugu…

Wiilka Maradona Oo Ka Dalbaday Lionel Messi Inuusan Mar

Wiilka Diego Maradona oo isna lagu magacaabo Diego Armando Maradona Sinagra ayaa doonaya inuu Lionel Messi iska dhiibo maaliyada No.10 ee Barcelona si uu ugu maamuuso aabihiisa geeriyooday.34 jirkaan oo ah wiilka ugu weyn ee uu Maradona ka tagay ayaa sidoo kale jeclaan lahaa in howlgab laga dhigo lambar kasta oo uu aabihiis u soo xirtay koox walba si loogu sharfo Maradona kaasoo geeriyooday isbuucii la soo dhaafay markii uu wadnuhu istaagay.Wareysi uu siiyay wargeyska Marca, Sinagra ayaa baaq u diray Messi iyo kooxaha uu u…

Mid Waa Cunsuri, Midna Waa Bilaa Garasho – FC Porto Oo

Porto ayaa baahisay warbixin ay ku dhaleeceynayaan Manchester City iyadoo dagaalka afka ah ee uu dhaafay labada tababare.City ayaa barbaro goolal la’aan ah ku soo gashay Portugal, waana natiijo xaqiijisay in Man City ay kaalinta 1aad ugu soo baxday wareega 16ka halka Porto ay iyadana ku soo baxday kaalinta labaad.Labada kulankii u dhaxeeyay labada kooxood waxaa ka soo baxay naceyb badan oo ay isku qaadeen labada dhinac.Kooxda reer Portugal ayaa ku tilmaamtay xiddiga khadka dhexe ee Man City mid bilaa garasho ah halka sidoo…

Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Ceyrintiisa & Aragtida Ay Maamulka

Mikel Arteta ayaa qirtay inuusan ka warqabo in maalin uun la ceyrin doono.Laakiin tababaraha Arsenal ayaa dooneynin inay maalintaas noqoto goordhow inkastoo Gunners ay ka dhacday kaalinta 14aad ka dib guuldarro ka soo gaartay Wolves.Arsenal ayaa marna sarre u kaceysay marna hoos u dhaceysay xilli ciyaareedkan, iyagoo wacdarro dhigay kulankii Manchester United laakiin waxay dhibco ku dhumiyeen kooxaha sida Leeds iyo Aston Villa.Arteta ayaa loo xilsaaray inuu Gunners ku soo celiyo Champions League laakiin waa inay horumar…

Michael Owen Oo Magacaabay Saxiixii Ugu Fiicnaa Premier

Michael Owen ayaa aaminsan in Liverpool ay sameysay saxiixii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan oo ah Diogo Jota.Xiddiga reer Portugal ayaa si dhaqso ah u la qabsaday Reds ka dib markii uu 45 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Wolves bishii September.Jota ayaa durbaba dhaliyay sagaal gool 15 kulan uu u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, halka Jurgen Klopp durbaba loogu baaqay inuu 23 jirkaan si toos ah u la wareego booska Roberto Firmino.Owen oo ah xiddig hore ugu soo dheelay Liverpool ayaa…

Jurgen Klopp Oo Lagu Eedeeyey Inuu Soo Minguurinayo Xeelado

Rio Ferdinand ayaa rumaysan in tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uu kulamadii ugu dambeeyey si toos ah ula soo kala  baxay buug-taariikhdeedak taatikada tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson.Kooxda tababare Klopp ayay dhaawacyo tiro badan ku habsadeen bilowgii xili ciyaareedka gaar ahaan khadka difaaca xilli ay doonayeen inay difaacan karaan horyaalka, waxaana xili ciyaareedka macasalaameeyey Virgil van Dijk iyo Joe Gomez oo ahaa labadii difaac-dhexe ee ay ku dagaallamayeen.Jurgen Klopp ayaa…

Thomas Partey Oo Muddo Laba Bilood Ah Ku Badbaadin Kara

Thomas Partey ayaa loo sheegay in muddo laba bilood ah uu ku badbaadin karo mustaqbalka xiddiga reer Germany ee Musut Ozil oo Arsenal ay ka reebtay liiska xiddigaheeda Premier League iyo Europa League.Xiddiga reer Ghana ee Thomas Partey oo Arsenal ay maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii ay £45 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Atletico Madrid ayaa waxa uu Gunners saftay shan ciyaarood  isagoo intii kalena ku maqnaa dhaawac.Laakiin Partey waxa uu haddana furdaamin karaa dhibaatada haysata Mesut Ozil…