Kulanka Barcelona iyo Dynamo Kiev Oo Go’aan Laga Gaartey –

0

Kulanka Champions League ee Barcelona ay Arbacada ku martigelin doonto kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev ayaa shaki weyn ku jiray inuu qabsoomi doono, kaddib markii ku dhowaad toban ciyaartoy ay Dynamo shaacisay inuu kaga dhacay xanuunka Korona Fayras.

Kooxda reer Ukraine ayaa soo magacowday kaliya 13 ciyaartoy oo heerka koowaad ah oo Camp Nou u imanaya ciyaarta saddexaad ee Group-kooda ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana mar kale lagu sameeyey baadhitaano cusub oo lagu hubinayo haddii ay iyaguna xanuunkan qabaan.

Walaaca jiray ayaa waxa uu ahaa in kulankan lagu qasbanaan doono in dib loo dhigo haddii ay soo baxaan ciyaartooyo kale ee xanuunkan laga helo ka hor kulanka Barcelona, taas oo sii yarayn layd ciyaartoyda heerka koowaad ee Dynamo Kiev ay u haysato kulankan.

Dynamo Kiev ayaa xaqiijisay in xiddigaheeda Georgy Tsitaishvili, Denis Garmash, Mikkel Duelund, Alexander Karavaev, Tudor Belutse ay Mykola Shaparenko dhamaantood laga helay xanuunka Korona Fayras kaddib baadhitaan lagu sameeyey Isniintii. Waxa kale oo kasii horreeyey Buschan, Mykolenko iyo Boyko oo karantiil ugu sii jiray xanuunkan.

Tani waxay ku qasabtay kooxda inay kaliya soo xulaan 13 ciyaartoy oo heerka koowaad ah oo ay kusoo kabtay kuwo da’yar ah, waxaanay tiradani ahayd midda ugu yar ee sharciga UEFA uu u ogol yahay kooxaha inay ciyaartoygoodu ka koobnaadaan ka hor kulamada Champions League.

Baadhitaanka ugu dambeeyey ayaa walaaca meesha ka saaray, waxaana lagu ogaadya in 13kan ciyaartoy ay badqab ka yihiin xanuunka, waxaanay taasi keentay in la go’aamiyo in ciyaartu waqtigeeda ku dhacdo oo aan dib loo dhigin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More