Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia’s lower house ends monthly $100 salary deduction for lawmakers
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Real Madrid vs Inter Milan –

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Real Madrid ayaa kusoo gashay shax adag kulanka muhiimka u ah xili ciyaareedkooda sannadkan ee tartanka Champions League ee ay ku qaabilayaanInter Milan.

Los Blancos oo dhibic kaliya sidata, labadii ciyaarood ee horena ay middii koowaad si naxdinle isla garoonka ay ciyaartan caawa ka dhacayso ee Alfredo Di Stefano ay ugaga badisay Shakhtar Donetsk oo 3-0 ku hoggaaminaysay waqtigii nasashada iyo ciyaartii labaad oo Borussia Monchengladbach ay 2-2 ku kala baxeen ayaa waxay raadinaysaa guushii ugu horreysay.

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo qaddimay labada xiddig ee ugu muhiimsan kooxdiisa ee Karim Benzema iyo Sergio Ramos oo midna hoggaamiyo afka hore ee weerarka midna khadka difaaca, waxaana khadka dhexe ku urursan laacibiinta Casemiro, Toni Kroos iyo Valverde, halka afka hore ay Benzema caawiyeyaal u yihiin Eden Hazard oo kasoo laabtay dhaawac iyo Marco Asensio.

Inter Milan ayaa dhinaceeda aan waxba la hadhin maadaama ay laba dhibcood oo kaliya haystaan oo ay barbarro soo galeen labadii kulan ee horeba.

Tababare Antonio Conte ayaan haysanin weeraryahanka Romelu Lukaku oo dhaawac ah, waxaana weerarkooda hoggaaminaya Lautaro Martinez oo diyaar u ah inuu isku soo jeediyo indhaha dunida ee marka horeba sida weyn u hayay.

Laacibka ay Inter Milan kala wareegtay Real Madrid xagaagii ee Achraf Hakimi ayaa markii ugu horreysay ka hor yimid kooxdiisa hore, waxaana uu jamaahiirta Los Blancos tusin doonaa fursadda ay iska dayeen, iyadoo waliba booskiisii uu hadda madhan yahay oo uu ka dhaawacan yahay Dani Carvajal.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Lucas Vazquez, Varane, Ramos, Mendy; Valverde, Casemiro, Kroos; Asensio, Benzema, E Hazard

Kaydka: Lunin, Altube, Modric, Marcelo, Jovic, Vinicius, Isco, Mariano Diaz, Rodrygo, Santos

Inter: Handanovic; D’Ambrosio, De Vrij, Bastoni; Hakimi, Vidal, Brozovic, Young; Barella; Lautaro Martinez, Perisic

Kaydka: Padelli, Stankovic, Gagliardini, Alexis Sanchez, Kolarov, Ranocchia, Eriksen, Darmian, Skriniar, Nainggolan, Pinamonti

How do you rate this story?

0 votes