Diego Maradona Oo Dhiig Madaxa Kaga Furmay, Qalliin Deg-deg

Mucjisadii kubadda cagta iyo xulka qaranka Argentina ee Diego Armando Maradona ayaa lagu samaynayaa qalliin degdeg ah kaddib markii uu dhiig kaga furtay madaxa, isla markaana ay xididdada dhiigga ee maskaxda qaarkood guntimo xinjiro ahi ku samaysmeen.

Warkan dhiillada leh oo soo dhacay maalin kaddib markii halyeygan cusbitaalka loola cararay xilli uu dhulka ku dhacay isaga oo tababaraya kooxdiisa, ayaa waxa la sheegay in markii hore looga shakisanaa xanuunka Korona Fayras, kaas oo dhakhaatiirtiisu ay sheegeen inuu muujinayay astaamo uu kaga soo kabanayo.

Laakiin war cusub oo hadda soo dhacay ayaa waxa uu sheegayaa in qalliin degdeg ah uu gelayo Diego Maradona, waxaana la xaqiijiyey in guntimo xinjiro ahi ay xidheen qaar ka mid ah xiddidada dhiigga ee maskaxda, kuwaas oo ay qaarkood sameeyeen qarax oo ay dhiig ku da’siinayaan meel u dhow maskaxda oo gudaha hoose ah.

Qalliinkan halista badan ayuu warku sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay tahay in loogu sameeyo Maradona, isla markaana aanay jirin fursad lagaga fikiro wax aan ahayn in mindida loo qaato.

Halyeygan ayaa maalintii Isniintii Cusbitaalka la dhigay markii uu dhacay isaga oo tababar siinaya ciyaartoyda kooxdiisa Gimnasia oo isku diyaarinayay kulanka Esgrima La Plata ee Jimcaha, waxaana baabuur Ambalaas ah oo qaaday uu dhigay cusbitaal ka baxsan magaalada Buenos Airos, iyadoo xanuunkiisana lagu sheegay Korona Fayras.

60 jirkan ayaa warar kale oo isla shalayba soo baxay ay tibaaxeen in xanuunkiisu aanu ahayn Korona balse uu yahay wax kale, halka dhakhtarkiisuna uu ku dooday inuu soo kabanayo.

Diego Maradona oo toddobaadkan u dabbaal-degay sannad guuradiisii 60 jirka ayaa waxa uu usoo ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Napoli oo uu ku qaatay waqtigiisii ugu fiicnaa ee dhinaca Yurub, halka Boca Juniors ay ahayd hoygii lagu bartay, iyadoo ay jiraan naadiyo kale oo Yurub ah oo uu iyagana u ciyaaray sida Sevilla.

Barcelona oo uu ku biiray sannadkii 1982kii ayuu u saftay kaliya 58 ciyaarood, waxaanu u dhaliyey 38 gool, halka Napoli oo uu uga soo wareegay Barcelona sannadkii 1984kii uu laba horyaal oo Serie A u qaaday, illaa haddana uu yahay halyeyga taariikooda baalka dahabka ah kaga qoran ee wax aanay hore ugu soo guuleysanin u horseeday, dabadiina aanay helin.

Waddankiisa Argentina ayuu u qaaday Koobkii Adduunka ee 1986kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More