LABADA Shaxood Ee Frank Lampard U Safi Karo Chelsea Kulanka

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay habeen dambe oo Arbaca ah ku martigelin doontaa kooxda reer France ee Rennes oo ay ku ballansan yihiin kulankooda Champions League.

Blues ayaa kulamadii ugu dambeeyey waxay ku ciyaartay saddex shaxood oo kala duwan oo hadba uu qaar usoo safay tababare Frank Lampard. Shaxda hore ayaa ahayd 4-3-3, shaxda labaadna waxay ahayd mid xagga weerarka u jan-jeeddha, dhexdana aan la illoobayn oo ahayd 4-2-3-1, halka tan ugu dambaysana difaaca uu yareeyey oo uu dhexda iyo weerarka awoodda saaray, ahayna sidan: 3-4-3.

Laakiin kulankii Chelsea ay 3-0 ku garaacday Burnley usbuucan oo Kai Havertz iyo Mason Mount ay kusoo bilowdeen booska No.8, isla markaana uu N’Golo Kante dhexda dambe joogay, waxa Lampard uu amaan u jeediyey Havertz oo uu ka helay sidii uu uga shaqeeyey khadka dhexe ee saddexda nin ay ku ahaayeen, kubadda hore ugu kaxaynayay, marka loo baahdana uu dib usoo degayay.

Laacibka reer Germany ayaa mar kale kusoo bilaaban doona shaxda Chelsea marka ay Rennes kusoo dhoweeyaan Stamford Bridge, waxaase mar walba aas-aasi ah oo booskiisu damaanad yahay Edouard Mendy.

Goolhayaha reer Senegal ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu horreeyey shabaqiisa nadiif ka dhigay, waxaana ugu dambaysay Chelsea inay sidaas oo kale samayso waqtigii Petr Cech ee 2004.

Thiago Silva iyo Ben Chilwell ayaa la filayaa inay boosaskooda difaaca ilaashadaan, sidoo kale Kur Zuma aan la taabanin, inkasta oo Lampard uu ka fikirayo inuu nasiyo oo ay suurtogal tahay inuu kaydka kasoo muuqdo, taas oo haddii ay dhacdo uu u kala dooran doono Antonio Rudiger, Fikayo Tomori oo dhaawac kasoo laabtay iyo Andreas Christensen.

Reece James ayaa difaaca midig ay u muuqataa inuu Lampard ku aaminay oo uu xataa ka door-biday Cesar Azpilicueta.

Labada shaxood ee Lampard uu u kala xulan karayo ciyaartan ayaanay farqi badan u dhaxaynin, waxaanay noqon karaan sidan:

Shaxda koowaad:

Shaxda labaad:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More