27 Jeer Ayuu Kubadda Lumiyey Kulankii Alaves – Rikoodhka

Sannadkan 2020 waxa uu ku ahaa Barcelona mid aad u adag oo ay lasoo kulmeen dhibaatooyin aan xataa saadaasha ugu sii jirin markii hore, waxaana marka laga yimaaddo guul-darrooyinka ciyaareed iyo dhinaca koobabka uu u noqon doonaa mid lagu xasuusto inay Blaugrana lumisay qaar ka mid ah ciyaartoygeedii ugu saamaynta badnaa, halka uu xiddigooda ugu wanaagsanaa taariikhdana diiwaanka loo gelinayo qaab ciyaareedkii ugu liitay muddo toban sannadood ka badan.

Lionel Messi oo qaatay go’aan ah inuu kusii negaado Camp Nou markii ay muran sharci isla galeen madaxda kooxda  xagaagii dhowaa oo uu doonayay inuu iskaga tago, haddana waxa uu xili ciyaareedkan oo la filayo inuu noqdo midkiisii ugu dambeeyey ee Barcelona sidii uu isagu hore u sheegay, uu u yahay mid uu ku jiro qaab ciyaareed liita.

Xiddiga reer Argentina oo intii uu kooxda joogay aanay indhihiisu arag iyagoo ku jira kaalinta 12aad, isla markaana lix ciyaarood ka helay siddeed dhibcood oo kaliya, waxa ku jiraa go’doon dhinaca goolasha ah iyo isku-dayadiisa oo ay adkaatay inuu guusha ugu hoggaamiyo.

Ciyaartii ugu dambaysay ee Barcelona ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Deportivo Alaves ay 1-0 ku garaacday, waxa Lionel Messi uu sameeyey isku-dayo uu ugu dhowaaday inuu guul-darrada kaga badbaadiyo kooxdiisa, laakiin haddana uma suurtogalin.

Kulankan ayaa u ahaa mid xun oo xog liidata loo diiwaan-geliyey, waxaana uu lumiyey kubbadihii ugu badnaa ee muddo sannado ah laga arkay.

90kii daqiiqadood ee ay ciyaartu socotay, waxa uu Lionel Messi lumiyey 27 kubbadood oo uu qaarkood uu meel qaldan mariyey isagoo isku dayaya inuu u dhiibo saaxiibkii, kuwo uu doonayay inuu maamulo oo ka baxsaday iyo inuu goolka ku toogtay oo bartilmaameedkiisii ay kubaddu ka leexatay.

Arrintan walaaca leh ayaa waxay muujinaysaa hoos u dhac weyn oo xiddigan ku yimid, waxaanay kooxdiisu ka walaacsan tahay in haddii aanu hurdada ka toosin xiddigeedu oo aanu mar kale dhabarka ku qaadin, inay meel xun ku dhamaysan doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More