Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Manchester United Oo Shaacisay Liiska 24ka Xiddig Ee Kulanka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Manchester United ayaa 24 ciyaartoy ula safartay waddanka Turkiga oo ay kulankooda saddexaad ee Champions League ee xili ciyaareedkan ku waajahayaan Istanbul Basaksehir.

United ayaa waxa ka maqan ALex Telles oo laga helay xanuunka Korona Fayras, isla markaana ku jira karantiil, balse waxa kooxda qayb ka ah weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee  horyaalka Premier League ku maqnaa ganaax.

Saxeexa cusub ee Facundo Pellistri ayaan safarka qayb ka ahayn, waxaanu joogi doonaa magaalada Manchester inkasta oo ciyaartii PSG ay Red Devils kusoo garaacday 2-1 uu kaydka fadhiyey.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa illaa 12 beddel ku samayn kara ciyaartoyda kooxdiisa kulanka Basaksahir, sida uu sharciga UEFA u ogol yahay, laakiin horyaalka Premier League ayaanay kooxina safkii ay kulankii hore ku ciyaartay k beddeli karin wax ka badan toddoba ciyaartoy.

Timothy Fosu-Mensah, Teden Mengi, Daniel James iyo Odion Ighalo ayaa dhamaantood diyaar u ah ciyaartan kaddib markii ay ka qadeen kulankii Axaddii ay Arsenal 1-0ka kaga adkaatay.

Dhamaan ciyaartoyda Manchester United ayaa baadhitaan caafimaad lagu samayn doonaa ka hor kulankan, waxaana natiijada ugu dambaysa ay tahay inay soo baxdo lix saacadood ka hor waqtiga ay ciyaartu bilaabmayso, si loo hubiyo inay badqab ka yihiin xanuunka Korona Fayras.

Liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Istanbul Basaksehir oo dhamaystiran:

David de Gea, Dean Henderson, Lee Grant; Aaron Wan-Bissaka, Timothy Fosu-Mensah, Axel Tuanzebe, Victor Lindelof, Teden Mengi, Harry Maguire, Luke Shaw, Brandon Williams; Nemanja Matic, Fred, Scott McTominay, Paul Pogba, Donny van de Beek, Juan Mata, Daniel James, Bruno Fernande; Anthony Martial, Marcus Rashford, Edinson Cavani, Odion Ighalo, Mason Greenwood.

How do you rate this story?

0 votes