Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waddankii Ugu Liitay Oo Hoggaanka U Qabtay Group E, Spain & Sweden Oo

Waddamada Spain iyo Sweden ayaa barbarro goolal la’aan ah ku bilowday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kulan adkaa oo ay fursado badan iska lumiyeen xulka martida loo ahaa ee Spain.Labadan waddan ee ku wada jira Group E oo la saadaalinayo inay kasoo gudbaan ayaa isku mari waayey ciyaar ay difaaca adkaysteen Sweden, laakiin saluug badan laga muujiyey taatikada tababare Luis Enrique oo ay ka maqnayd sirtii guushu.Qaybtii hore ee ciyaarta ayay fursado badan heleen Spain oo gacanta ku hayay maamulka ciyaarta 90 boqolkiiba…

Qorshaha Real Madrid Kula Soo Saxeexanayso Kylian Mbappe Iyo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diyaarisay qorshihii ay kula soo wareegi lahayd weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo heshiiskiisa PSG ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya.Los Blancos ayaa muddo badan lala xidhiidhinayay Kylian Mbappe, waxaana la rumaysan yahay inay ku riixayso laacibkan in aanu saxeexin heshiis cusub, si PSG ay ugu qasbanaato inay iibiso xagaagan, haddii kalena ay si bilaash ah ku heli doonaan xagaaga dambe.Sida uu qoray wargeyska Diario AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Madaxweynaha Real…

TAATIIKH: Szczesny Oo Noqday Goolhayihii Ugu Horreeyey Taariikhda EURO

Goolhayaha Juventus ee Wojciech Szczesny ayaa baal madow ka galay taariikhda qaramada Yurub isagoo noqday goolhayihii ugu horreeyey ee abid tartanka qaramada Yurub gool iska dhaliya.Wojciech Szczesny oo goolka ugu jiray waddankiisa Poland ayaa iska dhaliyey gool kulankii guul-darradu kasoo gaadhay dalkiisa ee Slovania ay ku garaacday 2-1.Xulka qaranka Poland oo uu hoggaaminayay Robert Lewandowski ayaa la saadaalinayay inay ka guuleysan doonaan Slovakia, laakiin taasi ma dhicin, waxaana loo xambaariyey guul-darro ay ku…

DAGAALKA SUUQA: Liverpool, Man United Iyo Kooxaha Waaweyn Ee Premier

Kooxaha waaweyn ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dagaallamaya saxeexa difaacii ugu fiicnaa Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore ee Cristian Romero oo Juventus ka tirsan, balse amaah ugu maqnaa Atalanta labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.Romeo oo ud ahsay waddanka Talyaaniga ayey Juventus kasoo iibsatay kasoo iibsatay Genoa kaddib wacdaro uu ka dhigay gaoromada xilli ciyaareedkii 2018-19, laakiin marna uma ciyaarin Juve, iyadoo amaah lagu siiyey isla kooxdiisa hore ka hor intii aan laba sannadood…

AC Milan Oo Kabtankeeda U Beddelaysa Xiddigii Badbaadiyey Nolosha

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa ka fikiraysa in ay isbeddel ku samayso kabtannadeeda, isla markaana calaamadda ay u xidho difaaceeda Simo Kjaer, kaddib markii uu badbaadiyey nolosha xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Christian Eriksen, isla markaana hoggaamin cajiib ah soo bandhigay waqtigii murugada iyo qasku taagnaa ee Eriksen nolosha iyo geerida u dhexeeyey.Simon Kjaer oo difaaca uga ciyaara xulka qaranka Denmark ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee taabtay Christian Eriksen markii uu dhulka ku dhacay ee uu koomada galay,…

N’Golo Kante Oo Shil Baabuur Galay, Layaabkii Ku Dhacay Ciyaaryahanadda Ka

Cesc Fabregas ayaa soo bandhigay qisada cajiibka ah ee uu goob-joogga uga soo noqday xiddiga reer France ee N’Golo Kante oo waqti dambe ay ku kulmeen Chelsea.Laacibkan khadka dhexe ee qaab nololeedkiisa iyo akhlaaqdiisa suubban ee Diinta Islaamka ku dhaqankeedu ka muuqdo ay hadal-haynta badan ka abuureen dunida, ayaa waxa dadka la yaabay ka mid noqday Cesc Fabregas.Halyeyga reer Spain ee Fabregas ayaa waxa uu ka sheekeeyey shil baabuur oo uu galay N’Golo Kante iyo arrin layaab lahayd oo ku xigtay.Kante oo jidka maraya ayaa…

Roma want Xhaka to force his way through

Negotiations between Arsenal and Roma over the sale of Granit Xhaka have reached a stalemate and the Serie A side want the midfielder to pressure his current side to reach an agreement.Xhaka, who currently has international service with Switzerland during Euro 2020, was considered to be moving to Jose Mourinho's new side, but talks have slowed in recent days with an agreement on a transition fee that is difficult to capture.Roma CEO Tiago Pinto is said to want the midfielder to "exert some pressure" on his current employers…

DAAWO: Goolkii Ugu Qurux Badnaa Tartanka Qaramada Yurub Ee Illaa Hadda

Masaafo 50 yard ah ayuu kubadda ka toogtay, waxaanu ku hubsaday shabaqa garoonka Hampden Park ee ee magaalada Glascow ee waddanka Scotland, intii ay socotay ciyaartii qaramada Yurub ee Scotland iyo Czech Republic.Xiddiga reer Czech ee Patrik Schick ayaa dhaliyey goolkii ugu qurux badnaa tartanka qaramada Yurub intii illaa hadda la ciyaaray, waxaana uu ahaa goolka labaad ee labadii gool ee qarankiisu ku garaacay Scotland oo uu isagu wada dhaliyey.Xulka qaranka Czech Republic ayaa guul muhiim ah kasoo gaadhay Scotlaand oo ay…

Jose Mourinho Oo Magacaabay Xiddig Lama Filaan Ah Oo Ingiriiska Ugu

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa magacaabay xiddig lama filaan ah oo Ingiriiska usoo baxay, kaas oo isku muujiyey ciyaartii ay Croatia kaga adkaadeen 1-0.England ayaa guul ku bilaabatay tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxaana  saddexda dhibcood ugu filnaaday gool uu u dhaliyey Raheem Sterling, laakiin laacibka amaanta  badan helay isaga ma ahayn.Sterling ayaa waxa kubadda xerada ganaaxa ugu geeyey Kalvin Phillips oo waliba difaacyada u dhaafiyey, waxaanu kaliya u baahday inuu taabto oo uu goolhayaha dhinaca ka…

Waa Baxaysaa!! – Barcelona Oo Mid Kamida Xiddigaha Waaweyn Ee

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay xaqiijisay rabitaankeeda ah inay iska fasaxdo daafaca dhexe ee ree France ee Samuel Umtiti, xiddiga French-ka ah ayaa xaaladaas oo kale ku jiray suuqyadii ugu dambeeyay oo dhan.Ciyaaryahanka ayaa ahaa mid iska caabin sameeyay suuqyadaas isaga oo ku guuleystay inuu sii joogo Camp Nou balse hadda kooxda ayaa u caddaysay inay rabto inay iska fasaxdo.Kaddib dhaawacyo iyo qaab ciyaareed xumo xidhiidh ah oo dishooday, Barca ayay ka go’antahay inay markan dirto Umtiti,…