Neymar Oo PSG Xabsi Kaga Dhigay Mbappe, Mourinho Oo Arsenal Hoggaamiye

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa daafaca midig ee kooxda Inter Milan ee Achraf Hakimi, 22 sano jirkaas ayay sidoo kale dalab ka geysay Paris Saint-Germain. (Times, subscription required)

Haddii ay Chelsea la saxeexato Hakimi ayay dhagaysan doontaa dalabaadka Callum Hudson-Odoi oo garab weerar ah iyo Tino Livramento oo 18 sano jir ah u imanaya. (Guardian)

Paris St-Germain ayaa qiimaynaysa xaalada 24 sano jirka weerarka ah ee kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele oo heshiiskiisa hal sano ka hadhsan yahay. (Marca)

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo garabka Man City ee Raheem Sterling kaas oo ay u arkaan bedelka Dembele haddii uusan heshiis cusboonaysiin samayn xiddiga French-ka ahi. (Sport)

Haddii ay bur-buraan wadahadalada ay ku doonayso Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsani, Man United ayaa u jeedsan karta dhinaca Hudson-Odoi, Ousmane Dembele amaba Cristiano Ronaldo. (Mail)

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool ee Rafa Benitez ayaa si dhab ah ugu tartamaya jagada macalinimo ee Everton. (Mail)

Maamulaha kooxda Inter Miami ee Jorge Mas ayaa sheegay in halyeeyga ay wada leeyihiin kooxdaas ee David Beckham uu la hadlay Lionel Messi oo ay ka wada hadleen suurogalnimada uu kooxdaas ugu biiri karo inta lagu jiro heshiiska 10-ka sano ah ee uu Barcelona u saxeexayo. (Miami Herald)

Weeraryahanka ree Brazil ee Neymar Junior ayaa PSG markii uu heshiis kordhinta u samaynayay kula heshiiyay inaysan kooxdu sinaba bixitaan ugu ogolaan Kylian Mbappe. (AS – in Spanish)

Tottenham ayaa wadahadalo kula jirta garabka weerar ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram oo ay doonayaan inay saxeexiisa u dhaqaaqaan suuqa xagaagan. (RMC Sport – in French)

Agaasimaha ciyaaraha ee kusoo socda kooxda Tottenham ee Fabio Paratici ayaa u sheegi doona Harry Winks inuu dhagaysan doono dalabaadka laga soo gudbinayo. (Football Insider)

Goolhayaha ree Spain ee David De Gea ayaa filaya inuu sii joogo Man United xilli ciyaareedkan wax dhaafsiisan. (Sun)

Arsenal ayaa Man United, Liverpool iyo Tottenham kula biirtay tartanka saxeexa 23 sano jirka Brighton ee Be White. (Mirror)

Roma aya ku dhaw inay 28 sano jirka khadka dhexe ee Granit Xhaka kala wareegaan Arsenal. (Corriere dello Sport – in Italian)

RB Leipzig khadkeeda dhexe ee ree Austria ee Marcel Sabitzer ayaa doonaya inuu kooxda ka tago xagaagan, xiddigaas hore loola xidhiidhiyay Tottenham ayaa kaliya 15 Milyan oo pound lagu heli karaa. (Athletic, subscription required)

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa kusoo laabtay diirada Crystal Palace kaddib markii ay bur-bureen wadahadaladii ay kooxdaasi kula jirtay Nuno Espirito Santo. (Mirror)

West Ham ayaa kor u qaaday dadaalada ay ku doonayso inay heshiis rasmi ah kula wareegto Jesse Lingard oo Man United ka tirsan kaddib markii uu 28 sano jirkaasi seegay tartanka Euro iyo xulka England. (Sun)

Leicester City are up against Wolfsburg and Lyon in attempt to sign Bournemouth’s 24-year-old Dutch winger Arnaut Danjuma. (Voetbalzone – in Dutch)

Javi Martinez oo 32 sano jir ah ayaa isha ku haya dhagaysiga dhammaan dalabaadka u imanaya xilli uu ka tagayo Bayern Munich. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tababaraha AS Roma ee Jose Mourinho ayaa weeraryahanka kooxda Torino ee Belotti ka dhigay bar-tilmaameedkiisa koowaad. (Goal – in Italian)

Deportivo Alaves ayaa xiisaynaysa inay sanad kale amaah ku qaadato da’yarka Man United ee Facundo Pellistri. (Noticias de Alava – in Spanish)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More