Xiddigaha Xulka Brazil Oo Shaaciyey Go’aankii Laga Sugayey – Miyey

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Brazil ayaa soo saaray go’aankii laga sugayay ee ku saabsanaa waxa ay ka  yeelayaan ka-qaybgalka tartanka Copa America haddii dalkooda laga beddeli waayo.

Xiddigaha xulka qaranka Brazil ayaa hore u sheegay in aanay ciyaari doonin tartankan markii loosoo wareejiyey waddankooda, waxaana la filayaa in go’aanka kama dambaysta ah ee martigelinta Brazil ay gaadho maxkamadda sare ee dalkaas oo Jimcaha ama Sabtida shaacin doonta go’aankeeda.

Kabtanka xulka Brazil iyo tababare Tite ayaa warkooda hore u caddeeyey, meel adagna iska taagay inay aqbalaan in dalkooda ay ku ciyaaraan tartankan weyn xilli dadkooda uu baabi’inayo Korona Fayras oo nus-malyuun qof ay u dhinteen tiro ka badan 16 milyan oo kalena uu haleelay.

Si kastaba, war-saxaafadeed uu soo saaray xulka qaranka Brazil ayaa waxay ku sheegeen, in ay ciyaari doonaan tartanka Copa America xataa haddii dalkooda lagu qabto, laakiin waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin go’aanka Brazil ee martigelinta tartankan oo hore looga soo wareejiyey Colombia iyo Chile.

War-saxaafadeedka xulka Brazil ayaa lagu yidhi: “Marka uu dhasho canug Brazilian ah, waxa dhaay taageere. In ka  badan 200 milyan oo taageereyaal ah ayaanu jecel nahay in aanu usoo bandhigno fikirkayaga ku aaddan Copa America.

“Waxa aanu nahay koox isku-xidhan laakiin kala fikir duwan. Sababo badan dartood, binu-aadmi ahaan ama xirfadle ahaan, kuma qanacsanin dhaqanka ka muuqda CONMEBOL {Xidhiidhka kubadda cagta Latin America} ee ka hor tartanka Copa America. Dhamaan dhacdooyinkii u dambeeyey waxay noo horseedeen in aanu aamuno in uu jiro nidaam aan ku habboonayn.”

Intaas kaddib, waxa war-saxaafadeedka ay ciyaartoyda Brazil ku sheegeen, in iyagoo ka xun in dalkooda lagu qabto tartankan ay haddana ka qayb-geli doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More