Xiddig Ka Tirsan Xulka England Oo Ku Dhaartay Inuu KHAMRI Cabbi Doono

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qarnanka England iyo kooxda West Ham United ee Declan Rice ayaa ballan-qaaday inuu cabbi doono khamri markii ugu horreysay noloshiisa haddii waddankiisu ku guuleysto koobka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya.

Rice ayaa sheegay in aanu waligii cabbin khamriga loo yaqaano Bear, laakiin hadda uu cabbi doono markii ugu horreysay, sabbatuna ay tahay inuu dabbaal-degga waddankiisa haddii uu guuleysto darteed  uu khamriga u cabbi doono.

“Miyaad ogtahay in ilaa maalintan in aanan waligay cabbin khamrig anigoo 22 jir ah! Xaqiiqo weeyaan.” Ayuu yidhi Declan Rice.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Rice yidhi: “Waligay ma furin mana cabbin. Ma ihi khamriyo-cab. Waan ogahay inay tahay wax aan laga hadal, dadkuna ay la yaabi doonaan. Waxa waxa i dhibta urtiisa sidaa darteed waligay uma dhowaanin.”

Mar la weydiiyey haddii uu cabbi doono khamri waxa uu ku jawaabay: “Haa. Waan isku dayi doonaa.”

Waxa kale oo uu Rice sheegay inuu rajaynayo in Ra’iisal wasaare Boris Johnson uu uu qaadi doono xayiraadaha hadhay ee fayraska Korona Fayraska, si taageereyaashu u yimaaddaan garoomada.

“Haddii Boris uu qaado xayiraadaha oo ciyaaruhu ay soo buuxsamaan oo dhamaan heesahu dhex duulaan shacabka, si fiican ayaanu u ciyaari doonaa.”

Xulka qaranka England ayaa kulanka ugu horreeya ee tartanka Euro waxa uu la ballansan yahay Croatia oo ay Axadda wada ciyaari doonaan, waxaana ugu xigaya Czech Republic iyo Scotland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More