Ii Keena! Quruxleyda Taageerta Manchester United Oo Loo Keeno

Katrina Maria oo ah gabadha quruxda badan ee ka dhex-muuqata taageereyaasha Manchester United ayaa usoo jeedisay kooxda in dib loosoo celiyo Cristiano Ronaldo oo uu Old Trafford yimaaddo, si ay halkaas mar kale uga taageerto.

Cristiano Ronaldo oo ay da’diisu tahay 36 jir ayaa mugdi la gelinayaa mustaqbalkiisa Juventus, waxaana lala xidhiidhinayaa inuu ka tegayo kooxdaas xagaagan, iyadoo dhawr naadi oo kala duwan ay warbaahintu tilmaameen inuu midkood ku biirayo.

Heshiiska Ronaldo kula jiro Juventus ayaa waxa ka hadhsan hal sano, laakiin saxaafadda Talyaaniga ayaa ku warramaysa in aanu ku qanacsanyn kooxdan oo uu doonayo inuu iska tago xilli uu heshiiskiisa ay 12 bilood ka hadhsan yihiin.

Red Devils ayaa ku jirta kooxaha safka hore kaga jira liiska naadiyada lala xidhiidhinayo Ronaldo, waxaanay taageereyaashu xasuusan yihiin in guulihii uu ku hoggaamiyey kooxdaas muddo lix sannadood ah oo uu joogay.

Quruxleyda Katrina Maria oo u dhalatay Faroe Islands, laguna yaqaano taageerada weyn ee ay u tahay Manchester United ayaa codsatay in kooxdu ay degdeg ugu dhaqaaqdo sidii uu Ronaldo ugu soo laaban lahaa Old Trafford.

Katrina Maria oo ay da’deedu tahay 29 jir, ayay baraheeda bulshada ku xidhan yihiin dad badan, waxaanay Instagram soo dhigtay sawir ay xidhan tahay shaadhka Manchester United oo uu magaca Cristiano Ronaldo ku qoran yahay, iyadoo ku dartay codsigeeda ah in laga shaqeeyo in CR7 uu soo laabto.

“Waxay noqon lahayd halyeeynimo haddii Ronaldo maalin kusoo laabto hoyrga. Waxay noqon lahayd cajiib.” Ayay raacisay sawirka ay soo dhigtay barteeda bulshada ee Instagram.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More