France, Portugal, England Mise Belgium? Gary Neville Oo Saadaaliyey

Halyeygii xulka qaranka England iyo Manchester United ee Gary Neville ayaa saadaal ka bixiyey tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, waxaana uu tilmaamay waddanka shaqsi ahaan ay la tahay inuu ku guuleysan doono koobkan.

Gary Neville oo difaaca midig uga ciyaari jiray England iyo Man United ayaa daraaseeyey meelaha ay ku kala xooggan yihiin waddamada ku tartamaya Euro 2020, waxaana uu farta ku fiiqay hal waddan oo kuwa kale dheer awood maskaxeex iyo is-aaminaad nafsi ah oo ay ku rumaysan yihiin in ay koobka ku guuleysanayaan.

Xulka Qaranka Portugal ayaa ku guuleystay koobkii ugu dambeeyey ee qaramada Yurub, una dagaallamaya inay difaacdaan, laakiin waxay isku hormo yihiin France oo iyaguna finalka ay kaga adkaadeen 2016 laakiin kaddib ku guuleystay Koobka Adduunka 2018. Waxa kale oo Group-kan ku jira Jarmalka oo isaguna ka mid ah waddamada loo saadaalinayo koobka iyo Hungry.

Gary Nevilla oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa saadaashiisa waxa uu ku sheegay, in koobka Euro 2020 uu ku guuleysan doono Faransiisku, waxaanu yidhi: “Dhab ahaantii ma dhaafi karayo France.

“Khibradda, maskaxda guusha, shaqsiyaadka ay haystaan, orodka, goolasha, xariifnimada, maskax-badnaanta; waxaad u malaynaysaa in ay dheeli karayaan nooc kasta oo ciyaar ah, kooxdaas Faransiisku.

“Waxay la ciyari karayaan koox aad weerar toosa u ah, koox difaac gelaysa, koox isku dayaysa inay ciyaarta maamulaan. Waa koox la qabsi leh. Ilama aha inay ka walaaci karayaan koox kasta oo ay la ciyaarayaan.

“Jidh ahaan ayay u xooggan jihiin, maskax ahaan ayay xooggan yihiin, waxay ila tahay, in haddii aad ka badiso Faransiiska, in koobka aad ku guuleysanayso.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More